Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2019

"Rasuulkii Alloow, wallaahi ma noolaan karo Zeynaba la'aanteed"! Jaceyl dhab ah kan ayaan u aqaan!

Goortu waa casrigii jaahiliyada, goobtuna waa magaalada Makka ee dalka Sacuudiga. Abul-Caas ayaa nabi Muxamad naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo doontay gabadhiisa Zeynaba. Nabiga wuxuu Abul-Caas u sheegay in uu arinkaas kala soo tashanayo gabadhiisa. Zaynaba way aqbashay, waana loo guuriyay, waxayna u dhashay Cali iyo Umaama. Abul-Caas oo safar ku maqan ayuu Alle nabi Muxamed soo diray, Zeynabana waxay ka mid noqotay dadkii rumeeyay. Markii uu safarka ka yimid ayay Zeynaba u sheegtay in ay islaamtay. Abul-Caas fadhiga ayuu uga istaagay, wuxuuna ku canaantay sababta ay ula tashan waysay. Waxaa la gaaray xilligii hijrada. Zeynaba waxay u timid Nabiga, waxayna ku tiri: Aabbe, Makko ma kula hari karaa ninkeyga? Wuuna u idmay in ay Makko la joogto ninkeeda iyo carruurteeda. Sanad ka dib, Qureysh ayaa waxay diyaargaraw xooggan ugu jirtaa dagaalkii Beder, Abul-Caasna wuxuu isu diyaarinayaa in uu ka dagaallamo safka Qureysheed. Zeynabana way murugootay, waayo waxaa laba...