Goortu waa casrigii jaahiliyada, goobtuna waa magaalada Makka ee dalka Sacuudiga. Abul-Caas ayaa nabi Muxamad naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ka soo doontay gabadhiisa Zeynaba. Nabiga wuxuu Abul-Caas u sheegay in uu arinkaas kala soo tashanayo gabadhiisa. Zaynaba way aqbashay, waana loo guuriyay, waxayna u dhashay Cali iyo Umaama.
Abul-Caas oo safar ku maqan ayuu Alle nabi Muxamed soo diray, Zeynabana waxay ka mid noqotay dadkii rumeeyay. Markii uu safarka ka yimid ayay Zeynaba u sheegtay in ay islaamtay.
Abul-Caas fadhiga ayuu uga istaagay, wuxuuna ku canaantay sababta ay ula tashan waysay.
Waxaa la gaaray xilligii hijrada. Zeynaba waxay u timid Nabiga, waxayna ku tiri: Aabbe, Makko ma kula hari karaa ninkeyga? Wuuna u idmay in ay Makko la joogto ninkeeda iyo carruurteeda.
Sanad ka dib, Qureysh ayaa waxay diyaargaraw xooggan ugu jirtaa dagaalkii Beder, Abul-Caasna wuxuu isu diyaarinayaa in uu ka dagaallamo safka Qureysheed. Zeynabana way murugootay, waayo waxaa labada saf ee dagaalka ku kala jira aabbaheed iyo ninkeeda, waxayna ku duceysaneysaa “Allow waxaan kaa megangelayaa maalin ay agoontoobaan carruurteydu ama aan anigu waayo aabbahey"!
Dagaalkii ayaa la galay, Abul-Caasna wuxuu ka mid noqday raggii Qureysheed ee nolosha lagu qabtay. Qureysh oo guuldarreysatay oo Makko soo geleysa ayay Zeynaba ku tiri: iiga warrama aabbahey? Waxaa lagu yiri: wuu guuleystay. Sujuud ayay la dhacday. Mar kale ayay tiri: iiga warrama ninkeyga? Waxaa lagu yiri: Wuxuu ku jiraa gacanta aabbahaa, waxaana loo sheegay in uu isfuran karo qofkii dhaqaalo heysto.
Lacag oo dhan waxay ka heysataa kuul uu nabigu siiyay hooyadeed Khadiija, oo ay iyada siisay. Kuushii ayay dhiibtay si Abul-Caas loogu soo furto. Nabiga oo xoolihii madaxfurashada gedgeddinaya ayaa ka dhex aqoonsaday kuul xusuus weyn ku leh qalbigisa. Waa kuushii uu isagu Khadiija siiyay. Nabigu ayaa asxaabta ku yiri: Kuushan yaa madaxfuran looga keenay? Waxaana lagu yiri: Abul-Caas binu Rabiic.
Nabiga oo ilmeynaya ayaa asxaabtiisa ku yiri: Kuushaan waa tii Khadiija bint Khuweylid, ee asxaabey ninkaan xidid ayaan nahay, waxaana idinka codsanayaa in aad sii deysaan, aadna ii ogolaataan in aan Zeynaba kuushaan u celiyo.
Asxaabtu nabiga way ka aqbaleen. Nabiga ayaa kuushii u dhiibay Abul-Caas, wuxuuna ku yiri: ninyohow Zeynaba ku dheh kuushaani ha kugu weynaato. Tan kale, Alle wuxuu i faray in aan kala geeyo muslim iyo gaal kaste oo isqaba, ee ma iiso celin kartaa gabadheyda Zeynaba ah?
Abul-Caas wuu aqbalay, wuxuuna ku laabtay magaalada Makka. Zeynaba ayaa ka soo baxday gurigeeda si ay banaanka magaalada ugu soo dhoweyso xabiibkeeda oo muddo ka xirnaa, balse Abul-Caas ayaa ku yiri: Zeynaba, aniga iyo adigu siima wada noolaan doonno, hadda wixii ka dambeeya waaxaad ku laabaneysaa guriga aabbahaa. Zaynaba way yara naxday, wuxuuna u sharxay waxa jira.
Waxay ka codsatay in uu raaco oo uu islaamo, si aan noloshooda u sii wataan, balse wuu ka diiday. Waxay gacanta qabsatay carruurteeda, waxayna u guurtay magaalda Madiina.
Muddo lix sano ah oo ay kaligeed ku nooleed magaalada Madiina waxay mar waliba la kulmeysay codsiyo guur, balse way diidday, oo waxaa ku taagnaa jaceylkii iyo naxariistii uu Abul-Caas ku beeray, waxayna rajo badan ka qabtay in ay mar kale dib u midoobi doonaan.
Sanado ka dib ayuu Abul-Caas gurigeeda ugu yimid, waxayna weydiisay: Abul-Caasow ma waxaad u timid in aad soo islaanto. Wuxuu yiri: Maya. Waxay tiri: makaa codsan karaa in aad soo islaanto, wuxuuna ku yiri: Maya. Waxay tiri: Waayahay. soo dhowoow ina habaryarteeyow. Soo dhowaaw carruurteyda Aabbahoodow.
Qisadaan oo aad u dheer waxay ku soo dhammaaneysaa Zaynaba iyo Abul-Caas oo soo islaamay oo nolosha dib ugu midoobay, Zeynaba oo sanado ka dib ka dhimaneysa, iyo Abul-Caas oo murugo kala kulmay geerideeda.
Abul-Caas wuxuu ku dul ooynayaa qabrigii Zeynaba, nabiguna wuxuu ilmada ka tirayaa Abul-Caas oo leh “rasuulkii Alloow, wallaahi ma noolaan karo Zeynaba la'aanteed"! Hal sano oo murugo ah ka dibna Abul-Caas wuxuu ka daba dhimanayaa Zeynaba. Alle raalli haka noqdo.
https://facebook.com/story.php?story_fbid=3113275625412188&id=100001893439414

![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEil0zrQxwDM8v595f6gKW-0IEhyphenhyphenW3qHoNEBioJ1vz7Mh_fXE1LOw2KTFKptVkKPzP9qKK4bZtHYFBw3X44Vewuh6-5ZTTkJMGBF9pw5lHkf8a543lGYJvyTfXh5owGulHQvMc5FFAGftR40/s1600/mayur-gala-487_0.jpg)
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.