Taariikh dahabi ah oo aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Ruux aragti leh oo aan guulwadeynin ayuu ahaa. Soomaalinnimo iyo in hoggaanka dalka daacad laga noqdo ayaa ku weynaa, wuxuuna taageere u ahaa cid kaste oo uu u arkayo in ay riyadaas rumeyn kartay. Wuxuu soo arkay gacantii birta aheed ee gumeystaha, wuxuuse aaminsanaa in mar laga bixi doono. Markii ay Soomaaliya xoroowday wuxuu garab-istaagay dowladdii riyadka, wuxuuna 1962-dii curiyay maansada "Geeddiga wadaay" oo uu ku guubaabinayay hoggaankii dalka. Dowladdii riyadku way xaqiijin weysay riyadii laga fiayay, waxaana dhaqan u noqday musuq iyo qabyaalad, markaas ayuu candhuuftiisii dib u liqay, wuxuuna 1965-tii curiyay maansada "Kuwa daanka buuxsaday maka daadineynaa?" oo uu dareenkii dadweynaha ku kicinayay. Markii ay bilaawdeen ololihii doorashada ee 1967-dii, wuxuu curiyay maansada "Kuwii horay noo gubay, haddana ha u gargaarina" oo oo uu dadka uga digayay in aan mar kale la doorto hoggaankii hore ...