Taariikh dahabi ah oo aan duugoobeyn ayuu ka tegay. Ruux aragti leh oo aan guulwadeynin ayuu ahaa. Soomaalinnimo iyo in hoggaanka dalka daacad laga noqdo ayaa ku weynaa, wuxuuna taageere u ahaa cid kaste oo uu u arkayo in ay riyadaas rumeyn kartay. Wuxuu soo arkay gacantii birta aheed ee gumeystaha, wuxuuse aaminsanaa in mar laga bixi doono.
Markii ay Soomaaliya xoroowday wuxuu garab-istaagay dowladdii riyadka, wuxuuna 1962-dii curiyay maansada "Geeddiga wadaay" oo uu ku guubaabinayay hoggaankii dalka. Dowladdii riyadku way xaqiijin weysay riyadii laga fiayay, waxaana dhaqan u noqday musuq iyo qabyaalad, markaas ayuu candhuuftiisii dib u liqay, wuxuuna 1965-tii curiyay maansada "Kuwa daanka buuxsaday maka daadineynaa?" oo uu dareenkii dadweynaha ku kicinayay.
Markii ay bilaawdeen ololihii doorashada ee 1967-dii, wuxuu curiyay maansada "Kuwii horay noo gubay, haddana ha u gargaarina" oo oo uu dadka uga digayay in aan mar kale la doorto hoggaankii hore ee dowladdii riyadka, waxaana ka guuleystay Cabdirashiid Cali Sharmarke, se riyadiisii ma ruboobin oo musuqii iyo fowdadii dalka ka jiray waa kuwii sababay in maalin cad toogasho lagu dilo madaxweynihii Soomaaliya.
Markii uu Kacaanku dalka qabsaday wuxuu abwaanku u arkayay in uu yahay hayaankii Soomaaliya barwaaqada geyn lahaa, wuxuuna tiriyay maansada "Xaaraan quutayaashii" oo uu kacaanki uga mahadcelinayo inay afgembiyeen dowladdii uu maamulxumada ku dhaliilayay.
Sanadihii hore, dowladdii kacaanku waxay la timid waxqabad fiican, wuxuuna abwaanka oo ka tirsanaa lafdhabarna u ahaa kooxdii Waaberi uu curiyay heesta "Cimrigii jiryoow, ceynaanka haay" oo uu ku bogaadino Maxamed Siyaad.
Kacaankii Oktoobar waddadii lagu bartay wuu ka leexday, rajadii laga qabayna god dheer ayay gashay, waxaana dhaqan u noqday musuqii iyo qabyaaladii lagu dhaliilayay dowladihii riyadka, markaas ayuu abwaanku mar kale candhuuftiisii dib u liqay, wuxuuna go'aansaday in uu iftiimiyo qaladaadkii kacaanka, balse taasi isagoo Muqdisho jooga uma fududeyn oo dil iyo xabsi ayuu ku mudeysan lahaa, sabataas ayuuna Muqdisho uga cararay, uguna biiray jabhadihii dowladda ku kacsanaa ee Itoobiya joogay, wuxuuna curiyay heesta "Ceynaanka daay" oo uu Maxamed Siyaad ugu baaqayay in uu hoggaanka dalka wareejiyo.
Jabhadihii ayuu maansooyin talo iyo guubaabo ah ka dhex billaabay, wuxuuna 1983-dii curiyay maansada "Halgankeennu waa labo" oo uu jabhadaha ugu baaqayay in ay kala fahmaan dowladda iyo dowladnimada, oo ay dowladda la dagaalaan balse aysan dowladnimada dalka dhaawicin, oo haddaba laga sii fikiro sidii loo dhisi lahaa dowlad kale. Aragtidii jabhadaha oo aheed in Kacaanka meesha laga tuuro, balse aanan ka fikirin waxa ka dambeyn doona, ayna gadaal ka riixeysay Itoobiya ayaa abwaanka u cuntami weysay, wuxuuna u safray magaalada Cadan ee dalka Yaman oo uu 1984tii ku curiyay maansada "Maxaan god abeeso galay?" oo uu uga shallaaynayo in uu jabhadaha xal mooday.
Markii uu labo sano Yaman joogay ayaa waxaa u cuntami weysay in uu dalkiisii dibadjoog ka ahaado, markaas ayuu go'aansaday in uu isi soo biimeeyo oo uu Muqdisho ku soo laabto.
Yaman ayuu diyaarsad ka soo raacay, wuxuuna u tegay Maxamed Siyaad Barre oo Jabuuti safar ku joogay. Maxamed Siyaad way isfahmeen, diyaaraddiisii ayuuna la soo raacay.
Muqdisho oo uu todobo sano ka maqnaa oo faqri iyo cisirbarar daran ka jiraan, korontadii iyo biyaha laga goostay, shacabkuna ay ku noolyihiin ganleey mucaawino oo dibadda laga keenay, madaxdii dalka iyo ehelladoodiina ay baabuur qaali ah oo Laangaruusal loo yaqaan ku socdaan ayuu ku soo laabtay, dowladdiina guulwade uma uusan noqanin ee suugaantiisii dulmidiidka aheed ayuu halkii ka sii bilaabay.
Muqdisho oo uu todobo sano ka maqnaa oo faqri iyo cisirbarar daran ka jiraan, korontadii iyo biyaha laga goostay, shacabkuna ay ku noolyihiin ganleey mucaawino oo dibadda laga keenay, madaxdii dalka iyo ehelladoodiina ay baabuur qaali ah oo Laangaruusal loo yaqaan ku socdaan ayuu ku soo laabtay, dowladdiina guulwade uma uusan noqanin ee suugaantiisii dulmidiidka aheed ayuu halkii ka sii bilaabay.
Tiyaatarka qaranka oo uu ka shaqeyn jiray ayaa lagu celiyay. Waagaas Tiyaatarka waxaa ka bixi jiray barnaamij sanadle ah oo warfaafinta lagu xuso oo uu Siyaad Barre ka soo qeybgeli jiray. Abwaanku wuxuu ku fikiray inuu barnaamijkaas ku dhex qariyo hees uu ku tilmaamyo musuqii dalka ka socday. Heesta "Laangaruusal gado, oo soo bari ganleey" ayuu curiyay, wuxuuna u geeyay guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi oo ahaa agaasimihii tiyaatarka, wuuna aqbalay in heestii tiyaatarka laga qaado, balse waxay waayeen fannaan ku dhiirrado in uu heestaas Siyaad Barre hortiisa ka qaado, ugu dambeyntiina Cabdi Xaashi ayaa Saado Cali Warsame ku qanciyay in ay ku dhiirrato.
Tiyaatarkii oo la buuxo, Maxamed Siyaadna uu fadhiyo ayay Saado Cali heestii qaadday, shacabkii joo helay cid xaalkooda ka hadleyso ayaa u sacbiyay, saddex jeerna Saado Cali ka codsaday in ay u biisto, wayna ugu celcelisay.
Tiyaararkii buuq ayaa isqabsaday, Maxamed Siyaad oo careysan ayaa qudbeeyay, wuxuu halkii ku canaantay tifaftirayaashii barnaamijka, wuxuuna amar ku bixiyay in la xiro abwaanka iyo fannaanadda, maalmo ka dibna waa la soo daayay, waxayna noqotay heestii ugu iibsiga badneed; isaga oo halgankaas suugaaneed kacaanka kula jira ayayna dowladdii dhacday.
Tiyaararkii buuq ayaa isqabsaday, Maxamed Siyaad oo careysan ayaa qudbeeyay, wuxuu halkii ku canaantay tifaftirayaashii barnaamijka, wuxuuna amar ku bixiyay in la xiro abwaanka iyo fannaanadda, maalmo ka dibna waa la soo daayay, waxayna noqotay heestii ugu iibsiga badneed; isaga oo halgankaas suugaaneed kacaanka kula jira ayayna dowladdii dhacday.
Waa abwaan Cabdi Muxumed Amiin, Gabiley ayuu 1935-tii ku dhashay, Muqdisho ayuu ku barbaaray kuna hanaqaaday, markii ay qabtii dhacdayna Muqdisho ayuuu degay, waxaana 2006-dii dalka Sweden lagu daabacay buugga Diiwaanka Hilin Hayaan oo lagu aruuriyay suugaantiisii, bishii Nufeembar ee 2008-dii ayuuna magaalada Nairobi ku geeriyooday .
Qof ay aragtidiisu hoggaamiso oo aan qof iyo koox gaar ah u nacamleynin, mar kastena garabtaagan ciddii uu dan Soomaaliyeed ka dhex arko ayuu ahaa, waligiisma fikirkiisaas kam tanaasulin, xaqiijintiisa ayuuna baadigoob badan u galay, suugaan dahabi ah iyo sooyaal aan duugoobeynin oo ay tayay in looga daydo xaqiiqaraadintaas ayuuna ifka uga tegay, Eebbe ha u raxmado abwaan Cabdi Muxumed Amiin.
![](https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2015/11/cabdi-muxumud.jpg)
Eebe ha uraxmado.
ReplyDeleteJanadii fardowso alle uga barinay.
Amiin Amiin Amiin