Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2019

Safarkii aan ku tegay caalamka Twitterka

Bishii November ee 2010kii ayaan Facebook ku soo biiray, si fudud ayaana ula qabsaday, waayo dadka aan ugu imid waxay ahaayeen Soomaali af Soomaali ku hadlaysa. Saddex bilood ka dib ayaan Twitter aaday bishii February ee 2011, waxaana igu adkaatay in aan la qabsado dhaqankii ka jiray, waayo Soomaalida iyo af Soomaaliga ayaa ku yaraa dadkii aan ugu tegay. Bishii January ee sanadkaan ayaan mar kale Twitter ku laabtay, ciwaankeygii hore ayaan dib u furtay, dad Soomaali iyo ajaanib ah oo ay ii fududaatay in aan la jaanqaado ayaana ugu tegay. Twitter waa magaalo deggan oo ay naftu ku raaxeysaneyno qoraalladeeda kooban, kala duwan, ee waaqiciga ah, ayna uga nasaneyso buuqa Facebook ka jira iyo dhaqanka liita ee ah in hal mowduuc oo aan naf laheyn lagu wada yaaco. Erayada uu qofku Twitterka ku soo qori karo oo ku xadidan 280 xaraf iyo qoraalka oo uusan waxba ka bedeli karin haddii uu daabacdo ayaa qofka ku qasbaya in uu farriintiisa ka fiirsado in uusan soo dhigin, mana tiri karo faall...

In Habargidir ay aqoonyahan ka doorato Janaraal waxay aheed farriin nabadeed oo tilmaan ka bixineysa jihada ay u socoto.

Bishii Agoosto ee sanadkan ayaan dhegeystay khudbad uu Cabdi Qeybdiid ka jeediyay shirkii Habargidir ee magaalada Hobyo. Furfurasho kadib, Cabdi Qeybdiid wuxuu sheegay in 100 sano ka hor ay Habargidir Hobyo ku shirtay si ay uga tashato aayaheeda, ayna maanta mar kale Hobyo isugu timid si ay dib ugu eegto wixii u qabsoomay, ayna u saxdo wixii ka qaldamay. In uu shirkaani noqdo mid beeshu ka dhaxasho nabad iyo dib-u-heshiisiin ay miraheeda gurtaan jiilasha soo socdo, ayna beeshu cafis iyo heshiis weydiisataan wixii iyaga iyo beelaha kale kala gaaray ayuuna kula dardaarmay. Qeybdiid wuxuu Habargidir ku eedeeyay in ay siyaasadda u soo dirsadaan qofka dadka ugu tuugsan, qaaqlaha ah, oo aan xoshoonin, wuxuuna kula taliyay in ay hoggaanka beesha u doortaan qof aqoon iyo karti hoggaamineed leh, ayna meel iska dhigaan dadka taariikhda uga jira baalka madoow. "Meel iska dhiga aniga iyo ragga ila midka ah ee wax soo qarribay, maanta waxaan diyaar u nahay in aan idinka fariisanno, ee ha ...