Skip to main content

In Habargidir ay aqoonyahan ka doorato Janaraal waxay aheed farriin nabadeed oo tilmaan ka bixineysa jihada ay u socoto.

Bishii Agoosto ee sanadkan ayaan dhegeystay khudbad uu Cabdi Qeybdiid ka jeediyay shirkii Habargidir ee magaalada Hobyo. Furfurasho kadib, Cabdi Qeybdiid wuxuu sheegay in 100 sano ka hor ay Habargidir Hobyo ku shirtay si ay uga tashato aayaheeda, ayna maanta mar kale Hobyo isugu timid si ay dib ugu eegto wixii u qabsoomay, ayna u saxdo wixii ka qaldamay.
In uu shirkaani noqdo mid beeshu ka dhaxasho nabad iyo dib-u-heshiisiin ay miraheeda gurtaan jiilasha soo socdo, ayna beeshu cafis iyo heshiis weydiisataan wixii iyaga iyo beelaha kale kala gaaray ayuuna kula dardaarmay.
Qeybdiid wuxuu Habargidir ku eedeeyay in ay siyaasadda u soo dirsadaan qofka dadka ugu tuugsan, qaaqlaha ah, oo aan xoshoonin, wuxuuna kula taliyay in ay hoggaanka beesha u doortaan qof aqoon iyo karti hoggaamineed leh, ayna meel iska dhigaan dadka taariikhda uga jira baalka madoow. "Meel iska dhiga aniga iyo ragga ila midka ah ee wax soo qarribay, maanta waxaan diyaar u nahay in aan idinka fariisanno, ee ha seegina in aad doorataan qof xishooda, oo leh dhaqan suubban, diin, aqoon, iyo garasho celineysa, oo xal ka keeni kara wixii beesha dhexdeeda iyo beelaha kale soo kala gaaray. Wax badan ayaa naga soo qarribmay, taariikhduna way qormeysaa ee aan isdaba qabanno ayuuna Qeybdiid hadalka ku soo xiray.
Farriinta nabadeed ee Cabdiqeybdiid waxay leedahay miisaan gaar ah, waayo dardaaranka iyo talada ah "qorayga dhiga ee qalinka qaata" ee ka imanaysa Cabdiqeybdiid oo hoggaankii dagaallada sokeeye ka mid ahaa waxay in badan ka saameyn badan tahay farriin ka timid aqoonyahan dagaalka daawade kaliya ka ahaa.
Dardaarankii Cabdiqeybdiid Habargidir meeshii ugama tegin ee xisaabta ayay ku darsatay, oo bishii September waxaa hoggaanka beesha ku tartamay Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii milateriga ee dowladdii Kacaanka iyo Prof. Cabdulqaadir Maxamed Shirwac oo iskuul iyo jaamacad Gaalkacyo ka aasaasay, gacantana ku hayay dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo. Prof. Shirwac ayaa wuxuu ku guuleystay 41-cod, Gen. Galaalna wuxuu helay 8-cod. In Habargidir ay aqoonyahan ka doorato Janaraal waxay aheed farriin nabadeed oo tilmaan ka bixineysa mustaqbalka iyo jihada ay beeshaasi u socoto.
Doorashadii kadib, maanta ayaa Prof. Shirwac Muqdisho lagu caleemasaaray. Khudbad uu xafladda ka jeediyay ayuuna ku sheegay in ay wafdiyo u kala direen shanta Soomaaliya, ayna oday dhaqameedyo ka kala socdo ay maanta shirkaan fadhiyaan, wuxuuna odayaashaas ka codsaday in ku biiriyaan waaya-aragnimadooda dhaqan. Wuxuu ku kaftamay in Habargidir oo colaaddii fure u aheed, ay hadda nabadda fure u noqaneyso, oo ay maaanta ku jirto baadigoob nabadeed, ayna diyaar u yihiin in ay dhexdoodu heshiiyeen, ayna la fariistaan qabiillada kale ee ay wax kala tabanayaan. “Qarnigii qalinka iyo nabadda ayaan galnay, qorigii waan dhignay, xabaddana waan ka bixinnay, oo dagaalka ayaa na baray in aan qoriga qalin ku beddelno” ayuu Prof. Shirwac maanta caleemasaarkiisa ka yiri.
Soomaalidu way ka daashay dagaal iyo colaad, waxayna u bisishahay nabad, wadanoolaasho iyo horay-u-socod, Habargidirna waxay maanta u fureysaa dariiq cusub oo ah in uu qabiil kaste soo sameysto hoggaan aqoon leh, la fariisto, lagana heshiiyo wixii dadka soo kala gaaray, kadibna Soomaali oo iskuduuban, heshiis ah, isuna caloolfayoow, ay dhisato Soomaaliya loo dhan yahay; waana sunno fiican oo mudan in Habargidir lagu bogaadiyo, loogana daysado.

Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...