Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2020

Dawo badan kama heleysid caafimaad badan

Isbitaalladu waa isha koobaad ee cudurrada, waana goobta ugu halista badan caalamka. Dad badan waxaa laga soo sheegaa cudur aysan qabin, dadka qaar inta la baarayo ayaa waxay qalabka baaritaanku ku sababaan cudurro kale, dad badan waxaa la siiyaa dawo qaldan oo u keeni karta cudurro kale. Sida uu daabacay Journal of the American Medical Association, hal milyan oo qof ayaa sanad kaste dhaawac caafimaad ku soo gaaraa isbitaallada Mareykanka, 180,000 ka mid ahna way u dhintaan. Dr. Robert Mendelsohn oo ah barafasoor wax ka dhiga Yale University ee dalka Mareykanka, wuxuu buuggiisa 'Confessions of a Medical Heretic' ku doodayaa in dhaqaatiirtu ay culeys ku hayaan caalamka, wuxuuna isweydiinayaa maxaa dhacaya haddii ay dhaqaatiirta oo dhan shaqajoojin sameeyaan? Wuxuuna su’aashiisa uga jawaabayaa tirakoobka dhacdooyin hore. Muddo hal bil ah ayaa waxaa 1973 shaqajoojin sameeyay dhaqaatiirta Israel, waxaana hoos u dhacay dhimashada dadka Israel 55%. Sanadkii 1976 waxaa muddo 52 maa...