Isbitaalladu waa isha koobaad ee cudurrada, waana goobta ugu halista badan caalamka. Dad badan waxaa laga soo sheegaa cudur aysan qabin, dadka qaar inta la baarayo ayaa waxay qalabka baaritaanku ku sababaan cudurro kale, dad badan waxaa la siiyaa dawo qaldan oo u keeni karta cudurro kale. Sida uu daabacay Journal of the American Medical Association, hal milyan oo qof ayaa sanad kaste dhaawac caafimaad ku soo gaaraa isbitaallada Mareykanka, 180,000 ka mid ahna way u dhintaan.
Dr. Robert Mendelsohn oo ah barafasoor wax ka dhiga Yale University ee dalka Mareykanka, wuxuu buuggiisa 'Confessions of a Medical Heretic' ku doodayaa in dhaqaatiirtu ay culeys ku hayaan caalamka, wuxuuna isweydiinayaa maxaa dhacaya haddii ay dhaqaatiirta oo dhan shaqajoojin sameeyaan? Wuxuuna su’aashiisa uga jawaabayaa tirakoobka dhacdooyin hore.
Muddo hal bil ah ayaa waxaa 1973 shaqajoojin sameeyay dhaqaatiirta Israel, waxaana hoos u dhacay dhimashada dadka Israel 55%. Sanadkii 1976 waxaa muddo 52 maalin ah shaqajoojin sameeyay dhaqaatiirta magaalada Bogota ee dalka Colombia, 35% ayayna dhimashadu hoos u dhacay; isla sanadkaas waxaa shaqajoojin sameeyay dhaqaatiirta magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, dhimashada dadkaas ayaana sanadkaas hoos u dhacday 18%.
Warbixin uu daabacay joornaalka Annual Review of Public Health ee ka soo baxa Mareykanka wuxuu tirakoob uu sameeyay ku ogaaday in 106,000 oo qof ay sanad kaste Mareykanka ugu dhintaan dawo qaldan oo uu dhaqtar u qoray; 80,000 oo ay ugu dhintaan infekshin ay isbitaallo ka soo qaadeen; 12,000 ay u dhintaan qalliin laga maarmi karay oo lagu sameeyay; 7,000 ay u dhintaan dawo ay si qaldan u qaateen; 20,000 ay u dhintaan qaladaad kale oo qalab, dhaqtar ama kalkaaliso ka dhacay.
Cilmibaaris uu 2013 sameeyay Dr. John James oo cilmiga cudurrada ka dhiga University of Maryland ee dalka Mareykanka wuxuu ku ogaaday in 440,000 oo qof ay sanad kaste Mareykanka ugu dhintaan qalad caafimaad, taas oo ka dhigeysa in ay tahay sababta saddexaad ee Mareykanka loogu dhimashada badan yahay, waxaana ka horreeya kansarka iyo cudurrada wadnaha, oo ay aqoonyahanno badan qabaan in ay jiraan qalabyo caafimaad oo keeni kara labadaan cudur ee dilaaga ah.
Dr. John Gofman oo bare ka ahaa University of California kuna takhasusay kiimikada nukliyeerka, horjoogana ka ahaa mashruucii Manhattan ee lagu sameeyay hubka nukliyeerka wuxuu buuggiisa 'Radiation from Medical Procedures in the Pathogenesis of Cancer and Ischemic Heart Disease' ku sheegayaa in qalabka wax lagu baaro, gaar ah raajada(X-ray) iyo CT scan-ku ay yihiin sababta koobaad ee kansarka iyo cudurrada wadnaha, oo kala ah labada sabab ee loogu dhimashada badan yahay Mareykanka, wuxuuna cilmibaaris uu sameeyay ku ogaaday in 60% dadka u dhinto kansarka iyo 70% dadka u dhinto cudurrada wadnaha ay sababsadaan shucaaca raajada(X-ray), wuxuuna sheegay in 83% dadkii 1990kii kansarka-naaska ugu dhintay Mareykanka ay sababsadeen shucaaca raajada, wuxuuna qabaa in kalabar dadkaas dhintay aysanba u baahneyn in raajo la saaro.
Cilmibaaris uu daabacay Canadian Medical Association Journal, wuxuu ku sheegayaa in 70% dumarka Mareykanku ay isku sameeyaan baaritaan Ultrasound ah, si ay u ogaadaan in uur-ku-jirku uu yahay wiil ama gabar, balse taasi sababto in shucaaca Ultrasoundku uu waxyeello khatar ah gaarsiiyo cunugga, uuna saameynayo korriinshihiisa oo uu sabab u noqdo in uu cunuggu ku dhasho miisaan yar, uuna Ultrasoundku sababayo in uu cunuggu ka daaho ayna ku adkaato barashada hadalka.
"Dawo badan oo aad qaadato kama heleysid caafimaad badan, balse waxay wax badan u dhibeysaa caafimaadkaada, ee ha ku degdegin dhaqtar iyo dawo kiimiko ah ee ka dhigo xalka ugu dambeeya, si gaar ahna uga fikir carruurta maadaama uu jirkooda curdunka ah u nugul yahay waxyeellada ka soo gaari karta dawada iyo qalabka caafimaadka" Dr. Gilbert Welch oo ah cilmibaare ku takhasusay cudurka kansarka ayaa talooyinkan ku bixinaya buuggiisa 'Less Medicine, More Health' ee uu daabacay 2015.

Waa ku mahadsentahay waqtiga aad gelisay ustaad
ReplyDelete