Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2020

Macallinka Macallimiinta

Abaal aan duugoobeyn ayuu ku leeyahay bahda waxbarashada. Muddo nus qarni ku dhow ayuu ku dhex jiraa waxbarashada dalka. Todobaatameeyadii ayuu macallin iskuul noqday, waxayna dowladdii dhacday isagoo bare ka ah kulliyaddii waxbarashada Lafoole. Burburkii kadib, horraantii sagaashamaadkii ayuu macallin ka noqday iskuulka Imaamu Shaafici oo uu waagii dambe kormeere ka ahaa. Dhammaadkii sagaashameeyadii wuxuu macallin ka ahaa iskuulkii National Computers oo lagu baran jiray cilmiga Kumbiyuutarka. Wuxuu ka mid ahaa macallimiintii udub-dhexaadka u ahaa kulliyadda Kumbiyuutarka ee jaamacadda SIMAD oo uu ku biiray 2000, wuxuuna kaalin mug leh ka qaatay aasaaska kulliyadda Kumbiyuutarka ee jaamacadda Banaadir.   2009kii ayaan ku bartay Ceelasha Biyaha isagoo macallin ka ah machadka Kasmo ee lagu barto Sayniska, oo uu isagu wax ka aasaasay. Wuxuuna ka mid ahaa aqoonyahanadii 2010 aasaasay jaamacadda Jazeera oo uu ka soo noqday madaxa waxbarashada iyo hormuudka kulliyadda kumbiyuutarka. ...

Dadaalaa wuu gaaraa!

 "Waxaan ku dhashay magaalada Qoryooley. Anigoo yar ayay qoyskeygu u soo guureen magaalada Muqdisho, waxaana degnay xaafadda Soonakey. Markii aan 8 sano jirsaday ayaan caseeye noqday si aan qoyskeyga u biilo, isgoyska Soobe ayaana dadka kabaha ugu caseyn jiray. 2011 ayaan u guurnay xaafadda Oodweyne, waxaana caseeye ka noqday masaajidka Nasruddiin ee Baarubax.  Maalin anigoo masjidka u sii socdo oo maraya iridka jaamacadda SIU ayaa waxaa ii wacay ustaad Kamaal Axmed Calas oo ka mid ahaa maamulka jaamacadda si aan kabaha ugu caseeyo. Markii aan u caseeyay ayuu ii soojeediyay in aan jaamacadda ka shaqeysto oo aan ardayda kabaha u caseeyo, kadibna waardiyaha ayuu igala hadlay. Barqadii ayaan jaamacadda iman jiray, duhurkiina waxaan tegi jiray masjidka Nasruddiin. Dadkii aan jaamacadda isku barannay waxaa ka mid ahaa ustaad Shaafici Diiriye oo ka mid ah madaxda jaamacadda. In aan waxbarto ayuu igula taliyay, iguna caawiyay. Xafiiskiisa ayaan ugu tegi jiray, wuxuuna igu baray aqris...