"Waxaan ku dhashay magaalada Qoryooley. Anigoo yar ayay qoyskeygu u soo guureen magaalada Muqdisho, waxaana degnay xaafadda Soonakey. Markii aan 8 sano jirsaday ayaan caseeye noqday si aan qoyskeyga u biilo, isgoyska Soobe ayaana dadka kabaha ugu caseyn jiray. 2011 ayaan u guurnay xaafadda Oodweyne, waxaana caseeye ka noqday masaajidka Nasruddiin ee Baarubax.
Maalin anigoo masjidka u sii socdo oo maraya iridka jaamacadda SIU ayaa waxaa ii wacay ustaad Kamaal Axmed Calas oo ka mid ahaa maamulka jaamacadda si aan kabaha ugu caseeyo. Markii aan u caseeyay ayuu ii soojeediyay in aan jaamacadda ka shaqeysto oo aan ardayda kabaha u caseeyo, kadibna waardiyaha ayuu igala hadlay. Barqadii ayaan jaamacadda iman jiray, duhurkiina waxaan tegi jiray masjidka Nasruddiin.
Dadkii aan jaamacadda isku barannay waxaa ka mid ahaa ustaad Shaafici Diiriye oo ka mid ah madaxda jaamacadda. In aan waxbarto ayuu igula taliyay, iguna caawiyay. Xafiiskiisa ayaan ugu tegi jiray, wuxuuna igu baray aqriska iyo qoraalka af Soomaaliya, iyo aasaaska Xisaabta, kadibna wuxuu i geeyay iskuul wax lagu baro dadka waaweyn, wuxuuna maamulka iiga dhammeeyay in aan iskuulka free ku dhigto. Gelinka hore jaamacadda ayaan caseeye ka ahaa, kan dambana waxaan dhigan jiray iskuulka.
Markii aan Dugsi Dhexe noqday ayaan ustaad Shaafici Diiriye u tegay, waxaana ka codsaday in uu jaamacadda shaqo iiga raadiyo. Maalmo kadib shaqaalaha jaamacadda ayaan ku biiray, waxayna shaqadeydu noqotay in aan nadiifiyo baabuurta jaamacadda iyo in aan korontada ka soo demiyo fasallada markii ay xisaduhu dhammaadaan. Markii aan billaabay Dugsi Sare ayaa la iga soo beddelay shaqadii hore, waxaana caawiye u noqday, walina ka ahay xafiiska Operations-ka, shaqadeyduna waa in aan jaamacadda u soo iibiyo wixii loo baahdo, waxaana heystaa baabuur ay jaamacaddu leedahay oo aan shaqadaas ku fududeysto.
Sanadkaan ayaan dhammeeyay Dugsi Sare, waana ku baasay imtixaanka, waxaana rabaa in ku biiro ardayda jaamacadda SIU, oo aan hadda shaqaalaheeda ka mid ahay. Hadda waxaan aabbe u ahay wiil iyo gabar. Wiilka oo curadka ah waxaan u bixiyay Shaafici, oo waxaan ku sammiyay saaxiibkey Shaafici Diiriye Cabdi oo sabab u ah in aan waxbarto, sidoo kalena aan helo shaqo fiican oo aan qoyskeyga ka biilo."
Waa Asad YAcqub Ibrahim oo halgankiisii nololeed iiga sheekeeyay. 2013kii ayaan isagoo caseeye ah ku arki jiray jaamacadda oo aan koorso ugu dhigayay arday Dugsi Sare ah, maanta ayaana Asad ku kulannay xafladda qalinjebinta ee jaamacadda SIU oo uu ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyay in ay qabsoonto.
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.