Duhurkii markii aan iskuulka ka soo baxay ayaan tegay suuqa Cabdulle Shideeye, waxaana dukaanka Cabidwaaxid Book Shop ka soo iibsaday saddex buug oo jaceyl buug kale oo ciwaankiisu ahaa: Isbar Aaladda Internetka Macallin La'aan. Markii aan suuqa ka soo baxay ayaan siddeed saac xiso ka galay bareefadka Sayntiifigga ee Macallin Dhakalow. Markii aan ka soo baxay ayaan soo maray isgoyska Baar-Ubax. Waxaa lagu iibinayaa wargeysyada Xogogaal, Qaran, Ayaamaha, Aayaha Nolosha, Jilaa, Ciyaaraha iyo Laacib. Sida caadiga ah, qiimaha joornaalku waa kun shilin haddii aad meesha ku aqrisanayso, haddii aad qaadanaysidna waa labo kun oo shilin. Aayaha Nolosha oo qorayay sheeko xiiso badan ayaan ka iibsaday. Waxaan u socdaa xaafadda Labadhagax oo aan degganahay. Gaari koostar ah oo u socdo Calikamiin, Towfiiq, Fagax, Huriwaa ilaa Suuqa Xoolaha ayaan ku tallaabsaday. Dhalinyaro joornaalladii iibinaysa ayaa daaqadda taagan. Dadka saaran qaarkood wargeysyadii ay soo iibsadeen ayay aqrisanayaan. Barna...