Duhurkii markii aan iskuulka ka soo baxay ayaan tegay suuqa Cabdulle Shideeye, waxaana dukaanka Cabidwaaxid Book Shop ka soo iibsaday saddex buug oo jaceyl buug kale oo ciwaankiisu ahaa: Isbar Aaladda Internetka Macallin La'aan.
Markii aan suuqa ka soo baxay ayaan siddeed saac xiso ka galay bareefadka Sayntiifigga ee Macallin Dhakalow. Markii aan ka soo baxay ayaan soo maray isgoyska Baar-Ubax. Waxaa lagu iibinayaa wargeysyada Xogogaal, Qaran, Ayaamaha, Aayaha Nolosha, Jilaa, Ciyaaraha iyo Laacib. Sida caadiga ah, qiimaha joornaalku waa kun shilin haddii aad meesha ku aqrisanayso, haddii aad qaadanaysidna waa labo kun oo shilin. Aayaha Nolosha oo qorayay sheeko xiiso badan ayaan ka iibsaday.
Waxaan u socdaa xaafadda Labadhagax oo aan degganahay. Gaari koostar ah oo u socdo Calikamiin, Towfiiq, Fagax, Huriwaa ilaa Suuqa Xoolaha ayaan ku tallaabsaday. Dhalinyaro joornaalladii iibinaysa ayaa daaqadda taagan. Dadka saaran qaarkood wargeysyadii ay soo iibsadeen ayay aqrisanayaan. Barnaamijka Madasha idaacadda Horn-Afrik oo ay soojeedinayaan Falasdiin Axmed Iimaan, Faarax Lammaane iyo Maxamed Xaaji ayaa gaariga ka shidan.
Waxaan uga degay Baar Al-Nasri. Waxaan galay Internet Cafe baarka ku dheggan. 4 kun oo shilin ayaan dhiibtay, nus saac ayaana la ii jaray, dad badan ayaase iga horreeya. Jardiinka ayaan soo fariistay. Labadhagax waa hoy waxbarasho. Waxaa ku yaalla bareefadyada Al-Abaadir, Al-Imra, Al-Gazaali, Al-Madar, Bukhaari, Bilaal iyo Ramadaan.
Bareefadyada waan jeclahay, waxaana ugu sii jeclahay marka ay ardaydu Ingiriis ku sheekeysanayaan. Dhiirranaanta ayay ku bartaan, oo in ay hadlaan ayaana uga muhiimsan waxa ay ka hadlayaan. Waa cajiib oo arday aad isku kursi ka soo kacdeen ayaa ku waydiinaya: What is you name? Mid aad masaajid ka soo wada tukateenna wuxuu ku dhahayaa: Are you Muslim or Christian.
Bareefad ii muuqdo barxaddiisa waxaa taagan boqolaal arday. Malaha Conversation ayay ku jiraan. Waan u tegay. Waxaa sheekeysanaya wiil iyo gabar. Sida ay Ingiriiska u kala aqoon badan yihiin waxaa daawadayaasha uga muhiimsan sida ay u kala hadal badan yihiin. Good afternoon. Peace of Allah be upon you markuu ku salaamay ayay gabadhii ku hurguftay cashir shubanbiyoodka ka hadlaya oo ay soo xifidisay. Isagiina please listen to me ayaa ka soo hartay. Markii ay cashirkii shubanbiyoodka dhamaysatay ayay wiilkii ku tiri: Why are standing in front of me? Jawaabna kama sugin ee way ka dhaqaajisay. Sacab ayaa is qabsaday. Wallee gabadhu waa aqoonyahan oo wiilka cubka ayay ku xirtay ayaa la yiri. Dadkii barxadda dhoobnaa waxaa ka soo dul dhacay ciyaal weero ku jira. Waa ciyaal Xamarjadiid oo ay bursanayaan ciyaal Caano. Waa kala cararnay.
Waxaan ku leexday Footo Samiira. Dad saf ugu jira in la sawiro ayaa dhooban iridda oo uu ku sawiran yahay daanyeer kaamiro wato. Maamulka Footadu waxay ku mashquulsan yihiin qancinta gabar oynaysa oo loo sheegay in sawirkeedii gubtay. Qolka la isku diyaarinayo waxaa ku jirta saddex wiil. Boolbire qolka yaallay ayay marsanayaan. Midkood ayaa dhahaya "Boolbiraha iska dhaafa ee aan baraafuunkaan marsanno si uu sawirkeennu u carfo. Baraafuunkii ayayna isku jabiyeen.
Internet Cafekii ayaan ku soo laabtay. Lambarkaygii ayaa la yeeriyay. Buuggii ahaa "Isbar Aaladda Internetka Macallin La'aan" ayaan kala furay. Meel aan ka billaabo ayaan garan waayay. Anigoo jeejeesanaya ayaa waqtigii iga dhacay. Labo daqiiqo oo xirasho ah ii soo daay ayaan ku iri. Wax aad xirato kuuma furneyn ee ka carar meesha ayuuna iigu jawaabay.
Waa 05:00pm. Iridda Baar Al-Nasri waxaa fadhiya odayaal labaatameeye ah oo hal rikoor ka dhagaysanaya BBC oo uu warkii dunida ka aqrinayo Axmed Xasan Cowke. Waxaan qaraabasalaan ugu socdaa guriga eeddadey oo Cirtoogte ku yaalla. Kun shilin ma heysto oo markaan waan lugaynayaa. Waxaan hormarayaa shaleemo Walaalaha. Koox dhalinyaro ah ayaa derbiga shaleemada ka fiirsanaysa akshinka filin caawa shaleemada ka bixi doono. Kaabalaadarka, atariishada iyo atoorihii oo tabeebbe xiran oo madaxiisa dhiig ka da'ayo, oo ay diyaarad dul taagan tahay, hortiisana uu yaallo kaare gubanaya ayaa kaartada ku sawiran. Isgoyska Black-Sea ayaan Cirtoogte uga sii leexanayaa. Isygoyska waxaa ku soo jeeddo maqaayad uu ku sawiran yahay neef geel ah oo taleefan Landline ah ku hadlaya. Neefkaas waa kaa nasiib badan yahay oo adigu waligaa Landline kuma hadlin ayay naftaydu igu tiri.
Qaraabasalaan kadib ayaan wadadii ku soo laabtay. Lacag eeddo i soo siisay ayaan sitaa, balse ma rabo in ay iga dhammaato oo aan baabuur ka raaco. Baar Fatxi oo Salaama ku yaalla ayaan Hamburger macaan badan ka sii cunay. Isgoyska Baar-Ubax waxaa taagan oo lagu dhooban yahay Idaacadda Wareegto oo makaroofan wato oo marba wariye iska dhigaya. Hadda wuxuu jilayaa codka Muuse Suudi. Wuxuuna iibinayaa sheekada nin la dhaho Axmed Daad oo sheegtay in uu nabiga riyo ku arkay.
Addinka salaadda Maqrib ayaa yeeraya. Makiinadda cajiin oo carwo Itko ku taalla ayaan marayaa. Wiilal gaadaya gabdho cajiin makiinaddaan ka soo doontay ayaa jardiinnada tuban. Wiil yar oo warqad la haadaya ayaa iga hor yimid. Xasan Atoore adiga miyaa ayuu i wadyiiyay. Haa ayaan iska iri. Inta warqaddii ii dhiibay ayuuna kala fireeyay. Warqadda waxaa ku qoran farriin jaceyl oo laga soo qoray buug aan aniguba maanta ka soo gatay Cabdiwaaxid Book Shop. Waa warqad ay gabar u soo dhiibtay wiil ay meelahaan ku ballameen. Tolow cunugga yar sidee aniga iigu qalday? Malaha aniga iyo wiilkii uu u siday ayaa isu labbis eg. Maba ii labbis ekaan karo oo maanta waa shidanahay oo waxaan sitaa shaati cad oo gacmagaab ah iyo surwaal jeemis ah oo aan shalay Carwoistaag ka soo gatay.
Xaafaddayda Furayaasha ayaan imid. Waxaa socdo Ciyaaraha Koobka Adduunka. Xaafadda oo dhan hal guri kaliya ayuu TV ku jiraa. Haddii TVga la daaro waxaa daciifaya ama damaya nalalka ku jiro guryaha kale. TVgii ayaan daarannay. Markii ciyaartu billaabatayba waxaa noo yimid labo askari iyo farsamayaqaan ka socda shirkadda korontada. Way na canaanteen, kadibna korontada ayay naga jareen.
Waa maqaal aan ku masawirayo Muqdishadii hore, iyo noloshii ka jirtay berisamaadkii, 2000-2006.
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.