Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2021

Warqad furan oo ku socoto Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble

Warqad furan oo ku socoto Raysulwasaare Rooble Mudane Raysulwasaare, ardayda Soomaaliyeed ee ka baxda jaamacadaha dalka waxay waxbarasho Master iyo PhD u aadi kareen dalka Turkiya. Shardiga kaliya ee ardayga looga baahnaana wuxuu ahaa in ay shahaadadiisu leedahay tasdiiqa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Markii uu July 15, 2016 dalka Turkiya ka dhacay inqilaabkii dhicisoobay ayay dowladda Turkigu xirtay iskuullo, jaamacadado, isbitaallo iyo warhaabinno ay laheyd kooxdii Fatxullaahi Gulen ee inqilaabka isku dayday. July 25, 2016 dowladda Turkiya waxay la wareegtay saddex iskuul iyo Isbitaalkii Deva oo ay maamuli jirtay Hay’adda Nile Academy oo xiriir la laheyd kooxdii Fatxullaahi Gulen. Isbedelladii Turkiga ka dhacay waxay saameeyeen ardaydeenna, oo hay’adda Tacliinta Sare ee Turkiya(YOK) ayaa waxbarashada hakad ka gelisay ardaydii Soomaaliyeed ee dhiganaysay jaamacadaha Turkiya, waxayna joojisay aqbalaadda ardayda cusub ee Soomaaliyee...