Skip to main content

Warqad furan oo ku socoto Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble

Warqad furan oo ku socoto Raysulwasaare Rooble


Mudane Raysulwasaare, ardayda Soomaaliyeed ee ka baxda jaamacadaha dalka waxay waxbarasho Master iyo PhD u aadi kareen dalka Turkiya. Shardiga kaliya ee ardayga looga baahnaana wuxuu ahaa in ay shahaadadiisu leedahay tasdiiqa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.


Markii uu July 15, 2016 dalka Turkiya ka dhacay inqilaabkii dhicisoobay ayay dowladda Turkigu xirtay iskuullo, jaamacadado, isbitaallo iyo warhaabinno ay laheyd kooxdii Fatxullaahi Gulen ee inqilaabka isku dayday. July 25, 2016 dowladda Turkiya waxay la wareegtay saddex iskuul iyo Isbitaalkii Deva oo ay maamuli jirtay Hay’adda Nile Academy oo xiriir la laheyd kooxdii Fatxullaahi Gulen. Isbedelladii Turkiga ka dhacay waxay saameeyeen ardaydeenna, oo hay’adda Tacliinta Sare ee Turkiya(YOK) ayaa waxbarashada hakad ka gelisay ardaydii Soomaaliyeed ee dhiganaysay jaamacadaha Turkiya, waxayna joojisay aqbalaadda ardayda cusub ee Soomaaliyeed. Nasiib wanaag, mushkiladdaasi ilaa iyo maanta ma aysan saameyn ardayda deeqaha waxbarasho ka hesho dowladda Turkiya.


Safaaradda Soomaaliya ee Turkiya ayaa hey'adda YOK ka codsatay in la aqbalo jaamacadihii ay ka soo baxeen ardaydii markaas waxbarashada u joogtay Turkiga, si ay waxbarashada u sii wataan. Waxaana sidaas lagu aqbalay 6 jaamacadood oo kala ahaa Banaadir, Muqdisho, Hargeysa, SIMAD, Camuud, iyo jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.


Mudane Raysulwasaare, June 2018 waxaa Turkiya tegay wafdi ka socday Jaamacadaha dalka. Waxay la kulmeey hey’adda YOK, waxayna u sheegtay in aysan mushkiladdu dhankooda ka jirin, balse ay u baahan yihiin in dowladda Soomaaliya ay YOK u soo gudbiso liiska jaamacaadha ay aqoonsan tahay. Wafdigu wuxuu sidoo kale la kulmay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, waxay iyaduna u sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada laga sugayo liiska jaamacadaha.


Markii uu wafdigu dalka ku soo laabtay wuxuu la kulmay Wasiirkii Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan. Hase yeeshee July 25, 2018 ayuu hadlay Wasiir Cabdiraxmaan Daahir, wuxuuna yiri "Ma jirto jaamacad aan aqoonsannay oo aan dhihi karno jaamacaddaan waan aqoonsannay. Xitaa Jaamacadda Umaddu waxay la mid jaamacadahaas kale." Maalinkii xigay waxaa xilka laga qaaday Wasiir Cabdiraxmaan, waxaana Aug 05, 2018 loo magacaabay Cabdullaahi Goodax Barre.


Ururka Jaamacadaha waxay la kulmeen Wasiir Goodax. Wuxuu sheegay in uu u baahan yahay in uu qiimeyn ku sameeyo jaamacadaha, si uu YOK ugu gudbiyo jaamacadihii qiimeystaan ka soo gudbo. Sababtaas ayuuna Sept 10, 2019 Goodax u magacaabay Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Tacliinta Sare.


Wasaaradda waxay jaamacadaha u sheegtay in guddiga tababar loogu dirayo dalka Turkiya, balse aysan miisaaniyad u heynin. Ururka Jaamacadaha ayaana qaaraamay qarashkii ku baxay tababarkii Guddiga Tacliinta Sare. 

Markii uu Guddigu soo laabtay waxay qiimeyn iyo kormeer ku sameeyeen jaamacadaha dalka ilaa Somaliland. Waxaana qiimeyntoodii ku guuleystay 36 jaamacadood. Intii ay qiimeyntu socotay waxaa la riday Xukuumaddii Raysulwasaare Kheyre ee uu ka tirsanaa Wasiir Goodax. Markii uu Guddigu soo saaray natiijada, balse aan la shaacin ayaad adigu ku dhawaaqday Golahaada Wasiirrada, waxaadna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare u magacaawday Cabdullaahi Abuukar Xaaji. Waxaa xusid mudan in jaamacadaha CITY iyo Soomaaliya ay galaangal ay sameeyeen ku galeen liiska ay aqoonsan tahay YOK intii ay caqabaddaanu taagneyn.


Mudane Raysulwasaare, Jan 09, 2021 Ururka Jaamacadaha ayaa kula kulmay adigo iyo Wasiirka Waxbarashada. Waxaad dhegeysatay jaamacadaha, kadibna Wasiir Cabdullaahi Carab oo hortaada ka sheegay in lagu jiro xilli doorasho, oo aysan dowladdu ku dhiirran karin in ay natiijadaas  gudbiso, maadaama ay buuq dhalin karaan jaamacadaha laga tegay ee aan qiimeyntii ka soo gudbin.


Mudane Raysulwasaare, dalka Turkiya waxaa hadda waxbarasho la'aan ugu xayiran arday Soomaaliyeed. Jaamacaduhuna dadaal nafhur ah ayay ku bixiyeen in arrintaas la xalliyo. Safiirka Soomaaliya ee Turkiya Jaamac Ceydiid wuxuu qoraal uu saakay Twitter soo dhigay ku sheegay in Wasaaradda Waxbarashada laga sugayo liiska jaamacadaha ay aqoonsan tahay. Hadda liiskii wuu ka soo gudbay Guddiga Tacliinta Sare, wuxuuse arrimo siyaasadeed ugu xayiran yahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.


Mudane Raysulwasaare, waxaa jira arday aan ehel nahay oo tahriibay markii ay aqbali waayeen jaamacadaha Turkiya. Waxaan kaa codsaneynaa in aad badbaadiso mustaqbalka ardaydeenna, aadna ka farxiso waalidiinta Soomaaliyeed ee ka walwalsan mustaqbalka wiilashooda iyo gabdhahooda. Adiga kuguma cusla, iyaga wax weyn ayay u tahay ee fadlan u istaag in aad arrinkaas xalliso. Mustaqbalka ardaydeenna badbaado ayay u tahay, adigana waxay kuu noqon doontaa waxqabad iyo dhaxal aan duugoobeyn oo mar kasta la xusi doono, laguguna soo xusuusan doono.


Macallin Xuseen Sabriye,

Muqdisho, Soomaaliya.

Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...