Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2021

Dadaalaa Xaaji Cabbaas waa gaaraa!

Duruuf adag oo halgan iyo haladeyg ku suntan ayuu soo jiiray. Tuulada Dac ayaan ku soo wada barbaarnay, dugsi hoosena ku soo wada dhigannay. Muqdisho ayuu waxbarasho u soo raadsaday. Waxbarasho yeelkeede, nolosha kale ayaa cariiri ka gashay, wuxuuna halgan adag u galay in uu meel iska soo saaro oo uu noloshiisa maareeyo. Maqaayad ayuu shaqaale ka noqday, kaddibna biibito uu isagu kushiinka ugu jiray oo uu sambuuska, burka, macshada iyo shaaha ku sameyn jiray ayuu sameystay. Wuxuu marar badan caqabad ku noqday dagaalkii Itoobiya, oo markii uu deegaan nolol ka sameystaba waxaa loo qaxayay meel kale oo ku qasbaysay halgan kale. Markii qaxii laga soo laabtay wuxuu ka mid noqday waratada khudaarta ku iibisa suuqa Bakaara. Gelinka hore Khudaarta ayuu iibin jiray, gelinka dambena iskuul ayuu dhigan jiray. Lacag uu ganacsigiisii khudaarta ka aruursaday ayuu bajaaj ku iibsaday. Markii uu sanad bajaajtii wado ayaa waxaa xanuunsatay walaashiis oo ay noqotay in caafimaad dibadda loogu qaado, kaddi...