Duruuf adag oo halgan iyo haladeyg ku suntan ayuu soo jiiray. Tuulada Dac ayaan ku soo wada barbaarnay, dugsi hoosena ku soo wada dhigannay. Muqdisho ayuu waxbarasho u soo raadsaday. Waxbarasho yeelkeede, nolosha kale ayaa cariiri ka gashay, wuxuuna halgan adag u galay in uu meel iska soo saaro oo uu noloshiisa maareeyo. Maqaayad ayuu shaqaale ka noqday, kaddibna biibito uu isagu kushiinka ugu jiray oo uu sambuuska, burka, macshada iyo shaaha ku sameyn jiray ayuu sameystay. Wuxuu marar badan caqabad ku noqday dagaalkii Itoobiya, oo markii uu deegaan nolol ka sameystaba waxaa loo qaxayay meel kale oo ku qasbaysay halgan kale.
Markii qaxii laga soo laabtay wuxuu ka mid noqday waratada khudaarta ku iibisa suuqa Bakaara. Gelinka hore Khudaarta ayuu iibin jiray, gelinka dambena iskuul ayuu dhigan jiray. Lacag uu ganacsigiisii khudaarta ka aruursaday ayuu bajaaj ku iibsaday. Markii uu sanad bajaajtii wado ayaa waxaa xanuunsatay walaashiis oo ay noqotay in caafimaad dibadda loogu qaado, kaddibna bajaajtiisii ayuu iibiyay si dawada walaashiis loogu kabo.
Shaqo ayuu baadigoobay, kaddibna Hotel Ramaada ayuu waardiyo ka noqday. Intii uu Ramaada joogay ayuuna jaamacad billaabay. Nin maamulka bangiga Premier ka mid ah oo ay hoteelka isku barteen ayuu ka codsaday in uu bangiga shaqo uga raadiyo. Wuxuuna bangiga ka helay shaqo waardiye ah. Habeenkii bangiga ayuu ilaalinayay, maalinkiina jaamacad ayuu dhigan jiray. Kaddibna waardiyihii waa laga bedelay oo darawal ayuu bangiga u noqday.
Halgan dheer oo waxbarasho kaddib, Khamiistii ayuu ka qalinjebiyay jaamacadda Banaadir. Maamulka sare ee Premier Bank ayaana xalay u dhigay xaflad kadis ah oo uu ku gobaadinayeen halgiisa guuleystay, uguna dallacsiiyeen xafiiska dabagalka shaqooyinka bangiga. Hambalyo saaxiib Shafici Cali Ibraahim. Eebbe nolosha adduun iyo tan aakhiraba ha kugu guuleeyo.
Ma shaa alh waa halgan iyo dedaal dheer oo miro dhal ah waxaan leeyahay hanbalyo wll inata kalena alle hagu guuleeyo
ReplyDelete