Skip to main content

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay.
Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican.

Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, iyo hardankii adkaa ee labadooda dhexmaray, waxayna kuu tusaaleyneysaa masiirka diktaytar kaste oo u awood sheegta shacabkiisa, iskuna taago Allihii abuuray.
Waxaan ku soo noolaaday magaalada barakeysan ee Maka. Muuqaalkeedii iigu cajiibsanaa wuxuu ahaa maalinkii Carafo. Dhowr milyan oo xujeey ah ayaa buurta isugu timid. Gacmaha ayay isdhaafsanayeen iyagoo isi salaamaya, waxaana ka muuqday isjaceyl walaaltinnimo. Ma kala garan kartid jinsiyadahooda oo waxay ku wada labisanyihiin dhar cadcad, waxayna ku wada hadlayaan carabi jajab ah, mid kastena wuxuu dareemayaa in uu Rabbi toos ugu xiranyahay oo uu ka mid yahay martida Alle.

Waxaan tegay magaalada Istanbuul oo aheed saldhiggii boqortooyaddii Cusmaaniyiinta, ahna halka ay iska galaan xadaaradda galbeedka iyo tan bariga, waxaana booqday goobo taariikhi ah sida qasrigii dowladdii Cusmaaniyiinta, Hagia Sophia iyo Masjidka Suldaan Axmad.
Waxaan u dalxiisay magaalada taariikhiga ah ee Qarnaadah oo aheed caasimaddii boqortooyadii Andalus iyo magaalada Ishbiiliya oo aheed taajkii boqortooyada. Labada magaalo hadda waa la asal-dooriyay, balse markii aad dhex mareyso waxaad xusuus kula noolaaneysaa boqortooyadii Andalus, sababihii burburiyay iyo waaqica qaraar ee ay muslimiintu ka dhaxleen burburkeedii.
Waxaan tegay magaalada Paris oo ah saldhigga xadaaradda Faransiiska. Sirta ka dambeysa quruxda magaalada waa waddada Avenue-des Champs-Elysees oo ah waddo lagu qurxiyay nalal cajiib ah, ayna ku teedsan yihiin geedo qurux badan, dukaamo, hoteello iyo maqaayado caalami ah. Intii aan joogay Faransiiska waxaan u dalxiisay jasiiradda Mont-Saint-Michel oo ay ku taallo buur ka mid ah kuwa ugu quruxsan caalamka. Jasiiraddaan oo xeebta ka fog 1KM waxaa ku nool 44 qof kaliya, waxaysa sanad kaste martigelisaa saddex milyan oo dalxiisayaal ah.
Safarkan waxaan ku tegay magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria oo ah hooyada aqoonyahannada, qorayaasha iyo abwaannada ugu caansan taariikhda Yurub. Intii aan joogay Vienna waxan booqday gurigii ay magaaladaas ka degganeed Amiina Al-Mufti oo aheed basaasad Carbeed oo ay si arxan daran ugu shaqeysteen sirdoonka Yuhuudda.
Waxan tegay dalka Denmark, waxaana booqday maktabadda Dokk1 ee magaalada Aarhus oo ah maktabad dadweyne oo ay yaallaan in ka badan 220,000 oo buug. Maktabadda waxaa xiiso gaar ah u yeelaya in ay qarka u saaran tahay wabiga Aarhus, waxaase taas iiga sii cajiibsaneed maktabad dad ah(Human Library) oo ku taalla maagalada Copenhagen, halkudhiggeeduna ahaa “Buug ha aqrisan, ee qof aqriso” waxaana dhoobnaa dad khubaro ah oo wax u sharxaya dad u yimid in ay iyaga aqristaan.
Waxaan booqday magaalada Tromso ee dalka Norway. Xilliga xagaaga oo aan ku beegmay magaalada qorraxdu kama dhicin laba bilood oo xiriir ah, waxayna muslimiintu su’aalo iska weydiinayeen sida ay u soomi karaan. Intii aan joogay Norway waxaan ku indha-doogsaday iftiinka Aurora oo ah iftiin dabiici ah oo uu cirku yeelanayo isku dhafka midabbo qurux badan oo isugu jira cagaar, madoow, dahabi, jaalle, basali, gaduud iyo buluug.
Safarkan waxaan ku tegay magaalada London, waxaana booqday matxafyadeeda caanka ah, Tower of London, Tower Bridge, London Eye, qasriga Buckingham, Beeraha dalxiiska, iyo saacadda Big-Ben oo summad u ah waqtiga adduunka. Intii aan Ingiriiska joogay waxaan tegay maktabadda Birmingham. Waa maktabad mucjiso ah, qaab-dhismeedkeeda gudaha ah ayaadba ku mashquuleysaa inta aadan gaarin 400,000 oo buugaag ah oo maktabadda yaalla.
Meelihii ugu quruxda badnaa ee aan tegay waxaa ka mid ah maagalada Sydney ee dalka Australia oo ah xarun ganacsi, dhaqaalo iyo ilbaxnimo. Magaalada waxaa ku hareereysan wabiyo, beeraha qaranka, beerta cinabka, matxafka qaranka ee badda, iyo xeebta Bondi oo leh carro quruxsan oo leh midab dahabi ah.
Socdaalkeyga waxaan ku tegay magaalada Kuala-Lumpur ee dalka Malaysiya. Waa caasimad faqri aheed oo isu bedeshay magaalo warshadeed leh suuqyo casri ah iyo dhismooyin dhaadheer. Intii aan Kuala-Lumpur joogay waxaan tegay Petronas Twin Towers ama KLCC, oo ah dhismayaal mataano ah oo ku yaalla farasmagaalaha, uuna kiiba ka koobanyahay 88 dabaq, waxayna leeyihiin buundo-cireed la isaga kala gudbo. Dalxiiskii daarahaan kadib, waxaan ka soo dukaameystay daarta Suria KLCC oo jaar la ah mataanahaan, ayna ku yaaalaan maxtabado, shirkado, Supermarketyo iyo maqaayado caalami ah.
Siddeedii galabnimo ayaan tagay waddada Jalan-Alor oo ay isku ciriirinayaan macaamiil halkaan isugu timid in ay ka cunteeyaan maqaayado ku teedsan waddada oo lagu iibiyo cuntooyinka badda ee ugu caansan Aasiya. Galabkaas waxaan cagta soo mariyay beerta ubaxyada, beerta xayawaanadda iyo beerta balambaalista, waxaana dalxiiskeygii Kuala Lampur ku soo afjaray beerta shimbiraha oo ay ku nool yihiin boqolaal nuuc oo shimbiro ah.
Maalinkii xigtay ayaan safar dhulka ah ku galay Singabuur oo ah magaalo cajiib ah. Intii aan Singabuur joogay wuxuu qalbigeygu ka maseyrsanaa sida Soomaaliya iyo Singabuur oo iyagoo faqri wada ah xuriyadda kala qaatay 1960 iyo 1965 ay maanta Soomaaliya ugu jirto caalamka saddexaad, halka Singabuur ay safka hore uga jirto caalamka horumaray, ayna tahay xarunta saddexaad ee dhaqaalaha adduunka, caqligeyguna wuxuu isweydiinayay sababta Singabuur oo nus qarni ka hor aheed magaalo qashinqub ah ay maanta heerkaan ku gaartay, waxaanse xusuustay in Singabuur maanta loo yaqaanno “magaalada ganaaxa” oo ganaax la dul dhigayo qof kaste oo dhaqanxumo ku kaca, oo xitaa qofkii xanjo lagu arko lagu ganaaxayo $5,500 ama xasbi hal sano ah, maadaama ay xanjadu wax u dhibeyso bilicda magaalada. Digniinnada ganaaxa ah ee meel kaste ku dheggan waxay kuu sheegayaan in quruxda Singabuur aan baryo lagu keenin, balse ay ka dhalatay sharci loo siman yahay oo helay awood dhaqan-gelisa, iyo maalgashi aqooneed oo lagu sameeyay maskaxda muwaadiniinta.
Waxaan ka degay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxaana booqday goobo taariikhi ah sida derbiga weyn ee sumadda u ah Shiinaha. Waxaan tegay waddada Nanjing ee magaalda Shanghai oo ah waddada ugu dheer caalamka ee laga dukaameysto, ayna xarumo ku leeyihiin dukaammada, hoteellada iyo maqaayadaha Shiinaha iyo Aasiya ugu caansan, ayna maalinkii ka adeegtaan hal milyan oo qof. Intii aan Shiinaha joogay waxaan galay maktabadda Zhangshuge ee magaalada Yangzhou. Waa maktabad cajiib ah oo Reflectionka ka soo laabanayo buugaagta ee dhulka ku dhacaya uu kuu sawirayo in aad ku dhex lugeyneyso webi buugaag ah.
Socdaalkeygii Kuuriyada-waqooyi dalxiis ma aheyn ee wuxuu ahaa booqasho aan ugu tegay dad ku jira xasbi dowladed. Shacabkaasi waxay dulmanayaal u yihiin nidaamka diktaytarka ah ee Kim Jong-un. Muwaadinku dalka kama bixi karo amar la’aan, taleefan dibadda kama wici karo mana laga soo wici karo, Kumbiyuutarna ma iibsan karo isaga oo aan ogolaansho ka heysan booliska. Shacabka dalkaas oo ku dhow 26 milyan waa ka mamnuuc Internetku, waxaase isticmaalo dad ka yar kun qof oo ah madaxda dowladda, xitaa shaqaalaha riyadka looma ogola.
Dalkii iigu saameynta badnaa ee aan tegay wuxuu ahaa Jabbaan, oo aan ku soo arkay wax badan oo ay igu adagtahay in aan qoraal ku sheego. Reer Jabbaan waxay cunaan wax kaste, waxayna cuubudaan wax walba, balse dhanka aqoonta, akhlaaqda, dadnimada iyo insaaniyadda way uga horreeyaan caalamka kale, oo waxaanba maleynayaa in ay hadda sii marayaan 2050-ka.
Maalin Isniin ah oo ay saacaddu aheed 07:00 aroornimo ayaan diyaarad uga safarnay magaalada Tokyo ee dalka Jabbaan, waxaan hawada ku sii jirnay 8 saacadood, waxaana 4:30 galabnimo ee maalinkii Axadda ee maalinkaas ka horreysay ka degnay garoonka magaalada Honolulu ee gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka!! BAL ISWEYDII SABABTA!!
Safarkeyga ka hor, caloosha ayaa i huri jirtay markaan arko carruur guryo la'aan ah oo ku hurdeysa derbiyada Muqdisho, waxaysa dadkaasi caadi ila noqdeen markaan tegay magaalada New-York ee dalka Mareykanka, oo ay ku noolyihiin in ka badan 73,000 oo guryo la'aan ah. New-York waxaa ka daran magaalada Manila ee caasimadda Filibbiin oo 26% dadka ku nool ay yihiin derbijiif aan guryo laheyn.
Waligey kuma fikirin in ay jirto meel Muqdisho ka amni xun, waxaanse tegay magaalada Detroit ee dalka Mareykanka. Labo ka mid ah boqolkii qof(2%) ee magaaladaas ku nool waxaa lagula kacay dhac ama kufsi, waxaana caadi ka ah in maalin kaste agtaada lagu dilo tobaneeye qof, waxaase ka sii daran magaalada Rio-de-Janeiro ee dalka Braziil oo tuugada joogto darteed ayba adagtahay in aad bannaanka ula soo baxdo moobeelkaada.
Intii aan Mareykanka joogay waxaan tegay magaalada Silicon-Valley oo ah xarunta tiknoolojiyadda caalamka, oo saldhig u ah shirkadaha dunida ku beddelay halabuurkooda, sida Microsoft, Yahoo, Intel, Apple, Google, YouTube, Facebook, Twitter iyo boqolaal kale.
Waxaan rajeynayaa in aad igula raaxeysatay safarkaan, oo aan ka xumahay in aanan ku xusin meelo badan oo aan tegay, oo ay ka mid tahay Buundada Capilano ee dalka Canada oo ah halka aan taaganahay sawirka hoose, loona yaqaanno buundada iloowshiyaha, maadaama ay ku hilmaamsiineyso wax kaste oo aad xusuusneyd.
Gunaanadkii, waxaa ii dhimman in aan kuu sheego in aanan waligeey dalka ka bixin oo aanan dibadda uga safrin Soomaaliya, waayo waxaan heystaa baasaboor Soomaali ah oo aanan dal kaste ku tegi karin. Yeelkeede, waxaan heystaa Buug iyo Internet oo ah baasaboorro caalami ah oo aan aqoonsaneyn xuduudaha, safaaraduhuna aysan diidi karin, una baahneyn in fiiso la iigu dhufto, aana ku mari karo dalalka caalamka aniga oo joogo gurigeyda iyo dalkeyga hooyo.


Comments

  1. Mashallh ustdii Allah haku xafido cilmigagne Allah haku siyadiyo.

    ReplyDelete
  2. mansha allah ustaad murti ba ku idil

    ReplyDelete
  3. Sxb maansh Alah! Meelaha aad kasoo sheekaysay qaybo kamid ah waan tagay balse adiga ayaan kaa bartay qaar ka mid ah xigmadaha ku aasan ee aan aan xiligaan tagayay aanan ku baraarigsanayn sababo jiray aawadood. Wax akhrisku waxaa uu kaa daba geeyaa oo waliba ku dhaafiyaa qof ama dad kaa horeeya hanti ahaan iyo da' ahaanba .

    Mahadsanid walaale. Kulan wacan mar uun insh Alah

    ReplyDelete
    Replies
    1. Hanashada waxbarasho ama wax aqris uu qofka hanto waxay qofka ka Xureysaa cariiriga dhuleed ama zamaan (waqti)! Dhul badan oo aadan jir ahaan u gaari karin baa Qiraa'o ( Akhris ) ku gaaareysaa. Dhul badan oo waqtigaaga ku gaarsiinin ama aadan noleen wixii joogay baa Akhrineysaa!

      Delete
  4. Ustaad waxaan ka safray maskaxda runtii dhamaadka sheekada ka horna waxaan rabay in aan socdaalo sidaado oo kale waxaanse ogaaday in basaboorkeenu uu san aadin kari beeso badan ma ahane.

    ReplyDelete
  5. Xaqiiq dii waa aqriya saan oogu xiisa qabay magaalaba magaalada kadanbayso hase yeeeshee meel aan lama filaan ahayn amabo markaa kufimirayn ayaad kusoo gaba gabaysay.
    Waa xaqiiq buugaagta iyo internet Ka inlagu safri Karo visa na ubaahnayn waase nin iyo raga nimadiisa iyo saad ooga faaidaysato.
    Aadbaa ooga hela mahadsanid cab qari baa. Taha

    ReplyDelete
  6. Waxaaba I qancisay sida wacan aad qornmadan u diyaariyey yeelkadeede waxaa tahay qofk ku dayasho mudan sida aad i noogu baraarujisay wax akhriskana maalaayiin jeer waad ku mahadsantahay!

    ReplyDelete
  7. Hussein Sabrie safarkaagii warbixinta xanbaarsanaa ,xiiso gooni ayuu ii lahaa waxaana aqris kubilaabay,markii aan tukaday maqribka cishaha ayaan katukaday ani oo dhameyn wali markii aan sotukaday ani oo wada shaqoyinka iigonida ah ayaan sidokale dib,ubilabay aqrinta taarikhda safarkaaga,waxa caajin ila noqday inta meel oo aad soqadatay iyo sida wanagsan oo aad history ga ugu qortay.

    Mahadsanid boss ani isma naqaano balse qoraalkaaga ayaa iqanciyay

    ReplyDelete
  8. Sheekadu sideey umacaneed oo aan isku lahaa wilkaan halkuu maray adna waad mari kartaa madaama aan dalxiiska aad ujeclahay inkastoo maskaxdeydu kusoo dhacaysay intaas oo dal ah lacagta uu kumaray ilaa iyo goorma ayuu shaqeynayey ugu dambeyn waxaad iisheegty in aad wadankaba kabixin masha Allah thnks wallo wax badan baan kafaiday

    ReplyDelete
  9. intii hore waa kula socdey se markaad kuuriyada waqooyi gashay baan kuuriyada koonfureed kaaga haray.
    masha Allaah Hussein Sabriye waa qormo cajiib ah oo maskaxdaada marba meel ka dejinaysa .
    Tusaale markaad Ingiriiska joogtey kolbaan u fekerey muu markaa maraykan aado inta uu Ustareliya ku noqonayo si qarashku uga yaraado.kkk

    ReplyDelete
  10. Maasha Allah
    Alle haku xafido usteedi
    Mogdisho hadiiba laga amni xunyahay waa Alx
    Dalkeena waa nimco
    Dadkeena ayaa maskaxda ka hurday
    Waxaa qiimeena lacagta
    Ma qiimeeno xirfada iyo cilmiga
    Waxaan uhanqal taagna Dad Dalkooda uhuray Maskax iyo Maal
    Ma jeclin dalkeena
    Quruxda iyo Amni iyo Nadaafada
    Hada jeceshahay ka bilaaw naftaada
    Wax walbana ku samir
    Madkaxdeeda waxa ka guuxaaye inta aa aqrinaaye qoraalkaaga macalimkaaga goormu safarye sideene ku safarye hadu safarye
    Alle haku ziyaadiyo cilmigaaga
    Alle ha ino qurxiyo Dadkeena iyo Dalkeena

    ReplyDelete
  11. Ustaad Hussein annu halmaalin baan ku arkay malaha 5 daqiiqo madhamayn intaan isla hadlaynay Waxaad tahay qof daganaan,aqlaaq, cilmi, garasho, indheergaradnimo alle kumanaysatay, Maqaalka intiisa hore markii la aqrinaaya dadku hawaday marayaan oo ninku safara badanaa lkn gadaalbay runta iyo Aalada faaidadeeda ka ogaanayaaa.
    Internet ku waa sida adigu u yeelaato.
    class 8 ayaan kusoo qaatay oraahdii daanyeerkii yackoo ahaa yiri oo ahayd mar idage Allaha marlabad idaga se anays dagay.
    Intarnetku waa sida uu kayiri yackoo.

    ReplyDelete
  12. Masha Allah aad iyo aad ban uga faaiidey aniga ahaan aad iyo aad ayaa u maahdsnatahy ustaad Hussein Sabrie Allah ku xifdiyo Allahana kuu ziyaadiyo Cilmigaga iyo caafimaadkaaga.

    ReplyDelete
  13. Mnsha Allah mahadsanid ustaad in badan qormadan wax badan ban ka faaiiday ayna ugu horeyso hadaa tahay qof wax akhriya in aad noqonayso qof la nool calam kale❤

    ReplyDelete
  14. "Maalin Isniin ah oo ay saacaddu aheed 07:00 aroornimo ayaan diyaarad uga safarnay magaalada Tokyo ee dalka Jabbaan, waxaan hawada ku sii jirnay 8 saacadood, waxaana 4:30 galabnimo ee maalinkii Axadda ee maalinkaas ka horreysay ka degnay garoonka magaalada Honolulu ee gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka!! BAL ISWEYDII SABABTA!!"

    Hadalkaas baan in yar kuwareeray, balse dib ayaan kafahmay.

    Mahadsanid Ustad Eng Hussein

    ReplyDelete
  15. Si Cajiib aha ayaad u sameysay Sheekada Macalin
    Alle Cilmiga Haku Barakeeyo

    ReplyDelete
  16. Masha allah tabarakallah ustaad runtii waxaan galay safar maskaxeed xiriir ah hadba diyaarad inta hagaha gagi ku dhufato ka haadayso, adna aad iisheekaynayso runtii wax akhrisku waa qayb kamid ah nolosha. Mahad sanid ustaad👏👏

    ReplyDelete
  17. Ustaad Xuseen sabrie nin cilmi ilaaheey siiyeey alaha ku sharfo lkn canada iyo mareeykanka koleey markaan tago anigu kamasoo noqdeen hhh waligeeyna wadanka kamabixin adaan kaahayaaye

    ReplyDelete
  18. Ustaad hussien sabrie nin cilmi rabbi ku manaystay allaha kusiyaadsho ustaad

    ReplyDelete
  19. Cajiib qaabka aad u qortay ayaa cajiib ah mansha allah ustaad

    ReplyDelete
  20. Masha Allah ustaad nin wax badan ogbaatahay Guuleyso

    ReplyDelete
  21. Waxa bogaadinta mudan waxa weeye awooddaada isku-dubaridka. Mar aan dhexda ka marayey qoraalka baan is iri tolow ma wuxuu ninkaan lahaa buug xasuus qor ah(diary book) oo waxaan uu ka sheekeynayo maalin ilaahey keeno iyo wuxuu la kulmaba Ku qorayey!
    Kudos mate.

    ReplyDelete
  22. Aan baan kuula dalxisay runtii xusen sabriye. Wxaana qeeyb kamida waqiciga aan ku noolnahay ee an la dafiri karin. Is not a miracle in qofka dalxiis iyo ganacsi iyo tamashlaba uu mari karo adduuntada halkii uu doono isagoo halkiisa jooga ( virtual travel and tourism ).

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...