Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican.
Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nasiib wanaag, aqoonta dadkaas waan ku soo moodnay, waxaana takhasusyadaas ka heysannaa tiro fiican. Balse taas bedelkeed waxaan maanta qabnaa baahiyo kale. Waxaan u oommannahay Saynis udubdhexaad u ahaan lahaa sookabashada iyo horumarka dalka sida Beeraha(Agriculture), Xoolaha(Veterinary), Dhulka(Geology) iyo Badda(Marine Science).
Aragtideyda, si guud maaddooyinka Arts-ka ah ee aan Sayniska aheyn, si gaar ahna Cilmiga Bulshadu waa aqoonta ay maanta dadkeennu ugu baahi badan yahay. Waxaan soojeedinayaa in aad ka wardoonto aqoonta gundhagga u ah horumarinta dadka iyo dalka sida Waxbarashada, Daraasaadka Islaamka, Soomaaliya iyo Afrika, Dowladnimada, Siyaasadda, Saxaafadda, Dembiyada iyo Cadaaladda(Criminology & Justice), Sharciga(Law), Dhaqaalaha, Cilmunafsiga, Falsafadda, Taariikhda, Ganacsiga iyo Halabuurka, Maamulka, Xiriirka Caalamiga ah iyo Diblumaasiyadda, Tiknoolajiyadda, Luqadaha, Suugaanta, Cilmiga Bulshada(Anthropology/Sociology), Waxbarashada Madaniga ah(Civic Education), Cilmibaarista iyo Tirakoobka(Research and Statistics), Adeegga Dadweynaha(Social Work), Maamulka Dadweynaha(Public Administration), Caafimaadka Dadweynaha(Public Health), Daraasaadka Horumarinta(Development Studies), Curriculum Development(Horumarinta Manaahijta), Juqraafiga iyo Deegaanka(Geography & Environment) iyo Naqshadeynta iyo Qorsheynta Magaalooyinka(Urban Design & City Planning).
Nasiib wanaag, takhasusyadaan qaarkood oo aan sanado kahor laga heli jirin Jaamacadaha dalka, hadda waa laga helayaa intooda badan. Xogta jaamacadaha dalka waxaa ka heli kartaa barnaamijka "Jaamacadaha" oo ah program free ah oo aan maanta ku arkay Play Store-ka. https://bit.ly/32GvMdv
Waxaan kuu rajeynayaa mustaqbal ifaya, waxaana kugula dardaarmayaa in aad si fiican uga fiirsato takhasuska aad maanta xulaneyso. Mar kastana ku dadaal in aad aqoon kugu filan u yeelato diintaada iyo dhaqankaada suubban, si aadan aqoonsigaada iyo heybsoocaada marti ugaga noqonin cid kale. Guuleyso saaxiib.
Masha Allah waan kaga mahad celinayaa howsha qiima badan ee aad noo haysaan
ReplyDeleteHussein Sharafaa kuu sugnaatay. Qof kasta Fariintaan quruxda badan asaga oo macaansanaya ayey kadhamaaneysa, inkasta oo aanan Fursadaan hadda haysan oo aan ahay nin kulliyad kale bartay, hadana waan kaaga mahadcelinaya walaal.
ReplyDeleteMAHDSANID wllkei xusen sabriye run ahaantii markaa akhrinayey fariintaada si kle ayaan noqday maxa yely waxaan u baahnaa fariin aniga igu socoto
ReplyDelete