Wargeyska The-independent ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa daabacay warqad uu maamulka iskuulka daarul-arqam ee ku yaalla magaalada Lahore ee dalka Pakistan uu u diray waalidiinta ardayda Iskuulka dhigata. Maamulka iskuulka ayaa inta uusan imtixaanka sanad-dugsiyeedku billaaban wuxuu waalidiinta ardayda u diray warqad uu kula dardaarmayo, oo uu ku yiri: “Waalid, sida aad ka warqabto waxaa maalmaha soo socda bilaabanayo imtixaankii Iskuulka ee sanad-dugsiyeedka, waana ognahay in aad jeceshahay in uu cunuggaagu ku baaso dhibco fiican. Waalid ogoow, ardayda halka fasal wada dhigata ee halka imtixaan laga wada qaado way kala abuuris iyo hibo duwan yihiin. Waxaa ardayda ku jiro arday jecel farshaxanka oo aanan fahmeynin xisaabta, waxaa ka mid ah halabuure gacansi oo aan xiiseyneyn taarikhda, waxaa ku jira arday cod quruxsan oo jecel in uu noqdo qaari' quraan, oo aan ku raaxeysaneynin kimistariga, waxaa sidoo kale ka mid ah arday ku fikiraya in uu ciyaartooy noqdo oo qaab-dhismeedka ...