Skip to main content

Colgateka lagu cadaydo wuxuu keeni karaa kansar!


Wargeyska New-York Times ee ka soo baxa Mareyanka oo soo xiganaya Hey'adda Food and Drug Administration (FDA) ayaa daabacay warbixin uu ka qoray dawada Colgate ee ilkaha lagu cadaydo, ayna soo saarto Colgate-Palmolive oo ah shirkad Mareykan ah oo dawadeeda ilkaha ay tahay tan loogu iibsiga badanyahay caalamka.
Wargeyku wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameeyay dawada Colgate lagu ogaaday in ay ku jirto maaddada Triclosan oo la dagaallanto Jeermiska, ahna maaddo qatar ah oo dhibaato u geysan karto dhalmada qofka, difaaca jirka iyo Kansarka ku dhaca afka iyo mindhicirradda.

Sidoo kale, diraasad ay sameysay Jaamacadda University of California, San Diego ayaa lagu ogaaday in maadada Triclosan ee ku jirta Colgate-ka ay keeneyso kansarka beerka, burooyinka beerka iyo debac ku yimaada murqaha jirka. Waxaana cilmi-baaris uu isla maaddadaas ku sameeyay National Academy of Sciences uu ku ogaaday in ay keeneyso kansarka beerka ku dhaca.

Wargeyska India-Today ayaa isaguna daabacay diraasad uu sameeyay machadka Delhi Institute of Pharmaceutical Sciences and Research (DIPSAR) oo uu ku ogaaday in 7 kamid ah 24 shirkadood oo caalami ah oo soo saarta dawada ilkaha, ay ku sameeyaan Nicotine oo ah maaddada ku jirta Sigaarka iyo Tubaakada, waxayna sheegeen in halkii Colgate ay ku jirto 18mg oo Nicotine a, oo u dhiganta 9 xabbo oo sigaar ah.
Machadku wuxuu si guud uga digayaa dawooyinka ilkaha ee Kiimikiska ka sameysan, wuxuuna ku talinayaa in lagu cadaydo kuwa laga sameeyay daawo-dhireedka.

Dhanka kale, wareysi uu Tilifishan Al-Jazeera la yeeshay Tafaftiraha arimaha Caafimaadka ee Al-Jazeera TV ayuu ku sheegay in maaddada Fluoride-ka ee ku jirto dawada ilkaha oo muhiim u ah caafimaadka afka iyo ilkaha ay qatar keeneyso haddii uu qofku liqo oo ay gaarto dheefshiidka iyo mindhicirrada, wuxuuna hooyooyinka kula taliyay in ay carruurtooda kantoroolaan marka ay ku cadayanayaan dawada ilkaha.




Xigasho:
https://www.nytimes.com/2016/09/07/well/live/why-your-toothpaste-has-triclosan.html
https://www.independent.co.uk/news/science/triclosan-soap-ingredient-can-trigger-liver-cancer-in-mice-warn-scientists-9866176.html
https://www.telegraph.co.uk/news/science/science-news/11235895/Toothpaste-chemical-may-increase-risk-of-cancer-warn-scientists.html
https://www.foxbusiness.com/features/this-cancer-linked-chemical-may-be-in-your-toothpaste
https://www.indiatoday.in/india/north/story/toothpastes-contain-cancer-causing-nicotine-study-140826-2011-09-11

Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...