Wargeyska
The-independent ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa daabacay warqad uu maamulka
iskuulka daarul-arqam ee ku yaalla magaalada Lahore ee dalka Pakistan uu u
diray waalidiinta ardayda Iskuulka dhigata. Maamulka iskuulka ayaa inta uusan
imtixaanka sanad-dugsiyeedku billaaban wuxuu waalidiinta ardayda u diray warqad
uu kula dardaarmayo, oo uu ku yiri:
“Waalid, sida aad ka warqabto waxaa maalmaha soo socda bilaabanayo imtixaankii Iskuulka ee sanad-dugsiyeedka, waana ognahay in aad jeceshahay in uu cunuggaagu ku baaso dhibco fiican. Waalid ogoow, ardayda halka fasal wada dhigata ee halka imtixaan laga wada qaado way kala abuuris iyo hibo duwan yihiin. Waxaa ardayda ku jiro arday jecel farshaxanka oo aanan fahmeynin xisaabta, waxaa ka mid ah halabuure gacansi oo aan xiiseyneyn taarikhda, waxaa ku jira arday cod quruxsan oo jecel in uu noqdo qaari' quraan, oo aan ku raaxeysaneynin kimistariga, waxaa sidoo kale ka mid ah arday ku fikiraya in uu ciyaartooy noqdo oo qaab-dhismeedka jirkiisu uu uga muhiimsan yahay fiisigiska.
Haddaba, hadii uu ardaygaagu ku baaso dhibco fiican waa wax wanaagsan, balse hadii uusan keensan dhibco kula fiican haku qeylin, hana ku canaanan in uu ku baaso maadooyinka oo dhan, taas oo keeni karta in uu ku wada dhaco, ayna dhimato kalsoonida uu naftiisa ku qabo.
Waalid, qof kaste meel ayuu ku fiican yahay, ee ha dilin hanka cunuggaada oo ha u ugu sheekeyn in dhaqaatiirta iyo injineerradu ay yihiin dadka dunida ugu nasiibka badan, ayna labadaasi yihiin waxa kaliya ee la barto.
La saaxiib cunuggaada oo ogoow waxa uu xiiseynayo ee ka dhex-guuxaya maskaxdiisa. Dhiirrigeli oo niyadda u dhis, mar kastena u sheeg in aad u jeceshahay shardi la’aan. Caawi oo la rumeey riyadiisa iyo waxa uu ku fikirayo in uu noqdo. Sidaas ayaa ah qaabka ugu fican ee lagu dhisi karo mustaqbalka carruurta. Adiga iyo cunuggaadaba waxaan idiin rajeyneynaa mustaqbal qurux badan, Alle idankii.
Naga guddooma salaan dirran,
waa maamulka iskuulka,
Nabadgelyo"
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.