Yaa la saadaalinayaa in loo magacaabo xilka Raysulwasaaraha Soomaaliya?! Waa ciwaanka maqaal uu daabacay bogga SomaliTalk Oct 14, 2004. Maalinkaas waxaa afar cishe laga joogaa doorashadii Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wariyaha oo xiganaya aragtida falanqeeyayaasha iyo guuxa dadweynaha ayaa saadaalinaya in Cabdullaahi Yuusuf uu raysulwasaare ka dhex xulan doono Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere), Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Qanyare Afrax. Sababta saddexdaan hoggaamiyakooxeed xilkaas loogu saadaalinayay waxay aheed in ay beelahoodu Muqdisho ku badan yihiin iyo in ay iyaguna leeyihiin saameyn iyo miisaan culus. Maxamed Dheere ayuu wariyuhu u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Abgaal oo Muqdisho ku badan, uuna heysto gobolka Shabeellada Dhexe, ayna isku qabiil yihiin ganacsato awood leh oo gacanta ku haya ilo dhaqaale oo muhiim u ah dowladda, sida Abuukar Cumar Caddaan oo maamulayay dekadda Ceel-Macaan iyo Bashiir Raage oo heystay garoonka Cisalleey. Xuseen Caydiid ayuu qora...