Skip to main content

Yaa la saadaalinayaa in loo magacaabo Raysulwasaaraha Soomaaliya?

Yaa la saadaalinayaa in loo magacaabo xilka Raysulwasaaraha Soomaaliya?!

Waa ciwaanka maqaal uu daabacay bogga SomaliTalk Oct 14, 2004. Maalinkaas waxaa afar cishe laga joogaa doorashadii Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Wariyaha oo xiganaya aragtida falanqeeyayaasha iyo guuxa dadweynaha ayaa saadaalinaya in Cabdullaahi Yuusuf uu raysulwasaare ka dhex xulan doono Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere), Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Qanyare Afrax.

Sababta saddexdaan hoggaamiyakooxeed xilkaas loogu saadaalinayay waxay aheed in ay beelahoodu Muqdisho ku badan yihiin iyo in ay iyaguna leeyihiin saameyn iyo miisaan culus.

Maxamed Dheere ayuu wariyuhu u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Abgaal oo Muqdisho ku badan, uuna heysto gobolka Shabeellada Dhexe, ayna isku qabiil yihiin ganacsato awood leh oo gacanta ku haya ilo dhaqaale oo muhiim u ah dowladda, sida Abuukar Cumar Caddaan oo maamulayay dekadda Ceel-Macaan iyo Bashiir Raage oo heystay garoonka Cisalleey.

Xuseen Caydiid ayuu qoraagu ku sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Habargidir oo Xamar ku badan, uuna heysto Madaxtooyadda Qaranka, Wasaaraddii Warfaafinta, Taliskii Ciidanka Booliska iyo goobo kale oo istaraatiiji ah.

Maxamed Qanyare ayuu isagana u sababeeyay in uu ka soo jeedo beesha Murusade oo Muqdisho ku badan, uuna leeyahay saameyn iyo awood ciidan oo xooggan, iyo in uu heysto maamulka garoonka Dayniile oo ay waagaas diyaaradaha jaadku Xamar uga soo degayeen.

Madaxweyne Cabdullaahi raysulwasaare kama uusan dhigan saddexdaan nin, waxaase la sheegaa in uu Maxamed Dheere si dadban ugu guuleystay, oo uu isagu keensaday Cali Geeddi.

15 sano kadib maanta madaxweyne Farmaajo wuxuu raysulwasaare ka dhex baadigoobayaa isla beelihii uu shalay Cabdullaahi Yuusuf ka raadinayay, balse sifada ay ku kala xulanayaan ayaa kala duwan. Haddii shalay la saadaaliyay in Cabdullaahi Yuusuf xulanayo raysulwasaare saameyn leh oo Hawiye ka xigsan kara, maanta Madaxtooyada Soomaaliya waxay raadineysaa raysulwasaare maqaarsaar ah oo aan laheyn han siyaasadeed, aana xiriir la laheyn beesha uu matalo, xilkana u arka hadiyad uu Farmaajo ku deeqay oo ay tahay in uu aad u ilaashado.

In kaste oo shalay iyo maanta ay kala duruufo duwan yihiin oo ay dowladnimada Soomaaliya hanaqaadday, haddana maanta waa dib-u-dhac iyo niyadjab in halkii shalay raysulwasaare loo saadaalinayay nin adag oo jiiri kara caqabadihii adkaa ee hor yaallay dowladnimada, ay 15 sano kadib Madaxtooyadu maanta baadigoobeyso qof jilicsan oo ay ugu adeegato sidii Xasan Cali Kheyrre, shaqadiisa ugu weynna ay tahay in uu dowladdaan muddokororsi kala shaqeeyo.

Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...