Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2020

Aan ku heshiinno in aan wada noolaanno annagoo kala duwan

Masjidka Al-Xaliim ee xaafadda Geedjaceyl waxaa ka jira dhaqan aan jecleystay oo aanan ku arkin Masjid kale. Masjidka waxaa gacanta ku haya Xaaji Maxamed Tuuryare oo ah oday aan maleynayo in uu 80 gu’ foodda geliyay. Inta badan Masjidka waxaa imaam ka ah labo wadaad oo Suufi iyo Salafi kala ah. Wadaadka Suufiga ah wuu la jahraa bisinka, wuxuuna salaadda Subax raaciyaa ducada qunuudka(Ducada gadaal laga raaciyo salaadda subax), markii salaadda laga baxana kor ayuu jameecada ugu duceeyaa. Wadaadka Salafiga ah wuu sireystaa bisinka, ma qunuudo, markii salaadda laga baxana ma duceeyo. Jamaacadu ma kala soocdo oo waxay mar kasta ku xirataa kii markaas joogo. Labadoodu isma diiddana oo kii soo hormaro ayaa na tujiyo, kan kalana safka ayuu dhinac ka galaa. Sidoo kale Tabliiq ayaa Masjidka u yimaado si joogto ah. Wadaad Tabliiq ah oo xaafadda nala deggan ayaana habeen kaste markii salaadda Cishe la baxo wuxuu kulmiyaa dhalinyarada Masjidka, kadibna wuxuu midkood u dhiibaa kalimad baraarujin ...

Soomaaliyey labo aan kala deyno!

Shalay waxay ku beegneed 21kii Oktoobar oo aheyd maalinkii uu kacaanku afgembiga kula wareegay talada dalka. Waxaan arkayay dhalinyaro maalinkaas xuseyso oo u aragta maalin ay dowladnimada Soomaaliya hanqaadday. Soomaaliyey labo aan kala deyno; in aan baadigoobno dowladnimo casri ah oo la jaanqaadeysa habka ay maanta dunidu isu maamusho oo uu shacabku dooranayo cidda hoggaamineysa, iyo in aan u barooranno kacaankii afgembiyay dowladnimadii curdunka aheyd ee ku timid doorashada shacabka. Waxaa jira dad ku doodaya in aysan Kacaanka dowladnimo nooga horreyn, kana dambeyn. Kaligiitalisku waxba ma hambeeyo, in aysan dowladnimo ka dambeyninna waxay caddeyn u tahay in uusan dhaxal reebin. Bal taariikhda ku laabo oo raadi hal kaligiitaliye oo dal iyo dad ka tegay. Bal fiiri halkii uu ku dambeeyay kaligiitaliskii Yaman, Cali Cabdalla Saalax iyo silaca ay maanta ku nool yihiin reer Yaman. Bal isweydi halkii uu ku dambeeyay kaligiitaliskii Liibiya, Mucammar Al-Qadaafi iyo sida ay Liibiya noqotay ...