Masjidka Al-Xaliim ee xaafadda Geedjaceyl waxaa ka jira dhaqan aan jecleystay oo aanan ku arkin Masjid kale. Masjidka waxaa gacanta ku haya Xaaji Maxamed Tuuryare oo ah oday aan maleynayo in uu 80 gu’ foodda geliyay. Inta badan Masjidka waxaa imaam ka ah labo wadaad oo Suufi iyo Salafi kala ah. Wadaadka Suufiga ah wuu la jahraa bisinka, wuxuuna salaadda Subax raaciyaa ducada qunuudka(Ducada gadaal laga raaciyo salaadda subax), markii salaadda laga baxana kor ayuu jameecada ugu duceeyaa. Wadaadka Salafiga ah wuu sireystaa bisinka, ma qunuudo, markii salaadda laga baxana ma duceeyo. Jamaacadu ma kala soocdo oo waxay mar kasta ku xirataa kii markaas joogo. Labadoodu isma diiddana oo kii soo hormaro ayaa na tujiyo, kan kalana safka ayuu dhinac ka galaa.
Sidoo kale Tabliiq ayaa Masjidka u yimaado si joogto ah.
Wadaad Tabliiq ah oo xaafadda nala deggan ayaana habeen kaste markii salaadda
Cishe la baxo wuxuu kulmiyaa dhalinyarada Masjidka, kadibna wuxuu midkood u
dhiibaa kalimad baraarujin ah.
Suufi, Salaf iyo Tabliiq intuba waa culimadeyda. Kama
tirsani, diinteydana marti ugama ihi qolo gooni ah. Way ii siman yihiin
Masaajiddoodu oo mar kasta waxaan ku tukadaa Masjidka iigu dhow. Haddii ay
iyagu doodo isku hayaan, micno ma sameyneyso in aan sanad kasta dhinac ka galo
dood madhaleys ah oo kummaan sano soo socotay, oo aan ogahay in ay sanad kasta
sii socon doonto inta ay iyagu jiraan.
In aan sii kala fogaanno oo aan naceyb ku kala maqnaanno
waxaan maanta uga baahi badannahay in aan isu soo dhowaanno, oo is aqbalno. Haddii
aan hal iyo labo mas’alo isku diiddannahay waxaan isku waafaqsannahay boqolaal
kale, ee yaanan ku kala tegin halka aan ku kala duwannahay. Haddii aan
mas’aladaas si maangal ah uga doodi karno waa kheyr iyo nus, balse haddii la
waayo oo dooddu madhaleys noqoto yaanan ku sii kala fogaanin ee aan ku
heshiinno in aan walaaltinnimo iyo caloolfayoobi ku wada noolaanno annagoo kala
duwan.
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.