Skip to main content

Soomaaliyey labo aan kala deyno!

Shalay waxay ku beegneed 21kii Oktoobar oo aheyd maalinkii uu kacaanku afgembiga kula wareegay talada dalka. Waxaan arkayay dhalinyaro maalinkaas xuseyso oo u aragta maalin ay dowladnimada Soomaaliya hanqaadday. Soomaaliyey labo aan kala deyno; in aan baadigoobno dowladnimo casri ah oo la jaanqaadeysa habka ay maanta dunidu isu maamusho oo uu shacabku dooranayo cidda hoggaamineysa, iyo in aan u barooranno kacaankii afgembiyay dowladnimadii curdunka aheyd ee ku timid doorashada shacabka.

Waxaa jira dad ku doodaya in aysan Kacaanka dowladnimo nooga horreyn, kana dambeyn. Kaligiitalisku waxba ma hambeeyo, in aysan dowladnimo ka dambeyninna waxay caddeyn u tahay in uusan dhaxal reebin. Bal taariikhda ku laabo oo raadi hal kaligiitaliye oo dal iyo dad ka tegay. Bal fiiri halkii uu ku dambeeyay kaligiitaliskii Yaman, Cali Cabdalla Saalax iyo silaca ay maanta ku nool yihiin reer Yaman. Bal isweydi halkii uu ku dambeeyay kaligiitaliskii Liibiya, Mucammar Al-Qadaafi iyo sida ay Liibiya noqotay furin dagaal. Bal arag sida uu kaligiitaliye Bishaar Al-Asad u gumaaday reer Suuriya iyo darxumada ay maanta ku nool yihiin intii xasuuqiisa ka badbaadday. Sidaas oo kale ayuu kacaankuna Soomaaliya u naafeeyay, waxaana adag in ay maanta ka soo kabato dhibkii uu u geystay, waayo jidka dowladnimada ayuu ka fogeeyay, waqti badan ayayna qaadaneysaa in dib loogu soo celiyo.

Dad ayaa maanta jabhadihii ka gadooday gaboodfalladii kacaanka ku eedeynaya burburka dalka. Gumeysiga iyo kalitalisnimadu waa labo naas wada nuugtay, sida ay tahay in gumeystaha loola jihaado ayayna tahay in kaligiitaliskana loola dagaalo. Kacaankii wuxuu ku kacay dulmi kasta oo uu ka guban karay qof ay dadnimo yar ku dambeyso. Xal kasta oo aan dagaal aheyn ayaa lagu deyay, sida kaliya ee la isaga dulqaadi karana waxay noqotay rasaastii uu isagu kursiga ku qabsaday. Jabhaduhu way ku saxnaayeen in ay shacabka ka dulqaadaan kaligiitaliskii cuuryaamiyay, waxaase lagu eedeysan karaa in ay ku fashilmeen in ay dalka ka hirgeliyaan dowlad kale. Kalitalisnimo waa kansarkii shalay dilay dowladnimadeennii curdunka aheyd, ee kadibna dowlad la’aanta na dhigay, in aan maanta afgembigaas xusnana waxay halis ku tahay jiritaankeenna iyo dowladnimada aan baadigoobeyno.




Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...