Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2020

Bidaar sibiq ayay kugu gashaa

Bishii Jannaayo ee 2011 waxaa suuqa Xariiqa ee magaalada Dimishiq ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeeday Bishaar Al-Asad. Maalmo kadib, carruur ku nooleed magaalada Darca ayaa darbi ku qortay: shacabku wuxuu doonayaa in ay dowladdu dhacdo. Carruurtii waa la xiray, waana la jirdilay. Maalinkaas waxaa Darca isugu soo baxay shacab dalbanayay in carruurta xabsiga laga sii daayo. Booliska ayaa shacabkii rasaas ku furay, labo qof ayaana ku dhimatay.  Maalinkii xigay ayay shacabkii isu soo baxeen, warbaahinta ayayna la hadleen. Warkii ayaa dalka ku baahay, waxaana magaalooyinka Suuriya isugu soo baxay dadweyne wata boorar ay ku qoran tahay: shacabku wuxuu doonayaa in ay dowladdu dhacdo. Dowladdu waxay isku dayday in ay shacabka cabsigeliso oo rasaas ku kala dirto, balse way ka sii dartay. Sidaadna waxaa ku soo billaawday burburka iyo silaca Suuriya naafeeyay. Firsaas Cabdalla oo Suuriyaan ah wuxuu ka hadlayaa wixii bannaanbaxyada laga dhaxlay. Wuxuu yiri: waayahaan ma maqlin qof si ca...

Ragga iyo gabdhaha warbartay!

"Waxay aheyd gabar akhlaaq badan, aqoon leh, oo hawlkar ah. Hay'ad ayaan ka wadashaqeyn jirnay. Waxay u dallacday agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha hay'adda ee Koofurta Soomaaliya. Xushmad iyo tixgelin badan ayaan u heynay, waxayna aheyd qof afgaaban oo aan shaqada kaliya ka wadahadalno. Malaheyga, ma jirin qof shaqaalaha ka mid ah oo ku dhiirraday in uu gabadhaas shukaansi iyo xiriir hoose la sameeyo, waxaanse ogaa rag badan oo damac ka galay, balse ku dhiirran waayay. Waayo aqoonteeda, kartideeda iyo xilka ay hay’adda ka heysay ayaan ugu waabsaneyn. Sanado kadib ayay maalin xafiiskeeda iigu yeertay, waxayna igu casuumtay arooskeeda oo asbuuc kadib Muqdisho ka dhici doono. Waxayna ii sheegtay in ay isla aqalgelayaan mid ka mid ah waardiyaha xarunta hay'adda! Waan rumeysan waayay. Si ay iigu xaqiijiso ayayna infiito ii soo taagtay. Waa run oo magaca infiitada ku qoran waa nin aftahan ah oo ka mid ah waardiyaha. Hambalyo kadib ayaan si kaftan ah u iri: meel aanan kaa ...

Halgankii Sayidka

 100 sano ayaa maanta laga joogaa maalinkii uu geeriyooday. Duleedka magaalada Buuhoodle ayuu ku dhashay. Xer Suufi ah oo fadhigeedu ahaa dooxada Nugaaleed ayuu kutubo ka raacday. Xajka ayuu u safray, markii uu dalka ku soo laabtay waxaa u cuntami waysay dhaqanxumadii gumeystaha, wuxuuna goostay in uu la diriro. Ciidankii Daraawiishta ayuu unkay, wuxuuna halgan saddex geesood ah oo 21 sano socday la galay gumeystihii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida.  Dagaal kudhufo oo kadhaqaaq ah oo ay adkaatay in looga guuleysto ayay gumeystihii la galeen. 41 furin ayayna isku farasaareen Ingiriiska oo uu midkood uga dilay Koofil oo ahaa taliyihii ciidanka Ingiriiska. Ugu dambeyntii Ingiriiska ayaa ku soo kiciyay diyaarado dagaal, waxayna duqeyeen Taleex iyo qalcadihii kale ee Daraawiishta, taas oo sababtay in ay Taleex isaga baxaan.  Halgan 21 sano socday oo taariikhda galay kadib, 100 sano kahor maanta oo kale[December 21, 1920] ayuu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu duumo ugu g...