Bishii Jannaayo ee 2011 waxaa suuqa Xariiqa ee magaalada Dimishiq ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeeday Bishaar Al-Asad. Maalmo kadib, carruur ku nooleed magaalada Darca ayaa darbi ku qortay: shacabku wuxuu doonayaa in ay dowladdu dhacdo. Carruurtii waa la xiray, waana la jirdilay. Maalinkaas waxaa Darca isugu soo baxay shacab dalbanayay in carruurta xabsiga laga sii daayo. Booliska ayaa shacabkii rasaas ku furay, labo qof ayaana ku dhimatay.
Maalinkii xigay ayay shacabkii isu soo baxeen, warbaahinta ayayna la hadleen. Warkii ayaa dalka ku baahay, waxaana magaalooyinka Suuriya isugu soo baxay dadweyne wata boorar ay ku qoran tahay: shacabku wuxuu doonayaa in ay dowladdu dhacdo. Dowladdu waxay isku dayday in ay shacabka cabsigeliso oo rasaas ku kala dirto, balse way ka sii dartay. Sidaadna waxaa ku soo billaawday burburka iyo silaca Suuriya naafeeyay.
Firsaas Cabdalla oo Suuriyaan ah wuxuu ka hadlayaa wixii bannaanbaxyada laga dhaxlay. Wuxuu yiri: waayahaan ma maqlin qof si caadi ah u dhintay. Maalmihii bannaanbaxyadu billaabanayeen waxay maalin kasta ciidanku dilayeen 2 ilaa 3 qof. Tiradu way sii kordhaysay ilaa aan gaarno heer ay caadi noqotay in aan maalin kasta aasno 20 ilaa 30 ruux. Hadda way ka sii dartay, oo maalinkii ay dhintaan 50 qof, waxaan dhahnaa: 50 kaliya miyaa maanta naga dhimatay? Waa Alle mahaddii. Jirkaygu wuxuu la qabsaday oo habeenkii ma seexan karo, waxaana dareemayaa in ay wax iga qaldan yihiin haddii aanan madaafiic maqlin.
Amiin Nuuri oo ah dhaqtar Suuriyaan ah oo ku nool magaalada Xalab ayaa yiri: wiil saaxiibkey ahaa ayaa maalin wacay gabar uu guursan rabay. Wuxuuna ku yiri: guriga ayaan uga tegayaa taleefankeyga, waxaana kaa soo wacayaa moobeelka Amiin. Xoogaa kadib gabadhii ayaa i soo wacday, waxayna igu tiri: Amiin ma aragtay? Waxaan u sheegay in daqiiqado kahor la dilay, wayna oysay. Qof ila joogay ayaa igu yiri: gabadha maxaad uga nixisay? Waxaana ugu jawaabay: wixii dhacay kaliya ayaan u sheegay. Waa run oo wuu dhintay, waana caadi. Hadda markii la dilo qof saaxiibbadeyda ka mid ah waxaan galaa contacts-ka taleefankeyga, waxaana magiciisa ka hormariyaa marxuum. Shalay ayaan contactskeyga fiiriyay. Waxaa ku wada qoran murxuum hebel iyo marxuumad heblaayo, waxaana ka nool 2 qof kaliya oo inta kale way dhinteen.
Bannaanbaxyada Suuriya waxay ka billaawdeen carruur la xiray, balse waxaa laga dhaxlay gumaad, burbur iyo qaxooti. Dagaalka kahor tirada shacabka Suuriya ku nool waxay aheyd 18 milyan. Dad nus malyuun ka badan way dhinteen, 6 milyan waxay ku barakaceen gudaha dalka, halka dad 5 milyan ka badanna ay maanta qaxooti ku yihiin dalal kale.
Dhacdooyinaan oo uu Daron Acemoglu ku qoray buuggiisa The Narrow Corridor ayaan xusuustay markii aan maanta arkay sawirka hoose oo ka muuqdaan ciidanka dowladda oo xabsi u sii kaxeynaya dad bannaanbaxayay.
Ciidanka dowladdu waxay asbuuc kahor Muqdisho ku dileen dad shacab ah oo bannaanbaxay. Shacab bannaanbaxay oo ay ciidanka dowladdu uga falceliyeen xabsi iyo xabbad waa halkii uu burburka Suuriya ka soo billaawday. Bidaar sibiq ayay kugu gashaa, shacab iyo dowladba aan ku baraarugno khatarta ka dhalan karta bannaanbaxyadaas iyo falcelinta gurracan ee dowladdu sameysay. Madaxweyne Farmaajo oo kalitalisnimada lagu eedeynayo haku quusqaato halkii ay ku dambeeyeen Xusni Mubaarak, Cali Cabdalla Saalix, Mucammar Al-Qadaafi iyo Maxamed Siyaad Bare. Shacabkuna dib ha u milicsado dhibkii aan ka dhaxalnay burburkii dowladda, oo noo horseeday dowlad la’aan iyo dagaallo sokeeye, aana ku quusqaadanno silaca ay maanta ku nool yihiin shacabkii Yaman, Suuriya iyo Liibiya.
Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega.
Masha'allah mahadsanid ustad Sabrie waa cashiro cibro qaadasho noogu filan, waa hadaan nahay dad & dowllad soo jeedo.
ReplyDelete