"Waxay aheyd gabar akhlaaq badan, aqoon leh, oo hawlkar
ah. Hay'ad ayaan ka wadashaqeyn jirnay. Waxay u dallacday agaasimaha shaqada
iyo shaqaalaha hay'adda ee Koofurta Soomaaliya. Xushmad iyo tixgelin badan
ayaan u heynay, waxayna aheyd qof afgaaban oo aan shaqada kaliya ka
wadahadalno. Malaheyga, ma jirin qof shaqaalaha ka mid ah oo ku dhiirraday in
uu gabadhaas shukaansi iyo xiriir hoose la sameeyo, waxaanse ogaa rag badan oo
damac ka galay, balse ku dhiirran waayay. Waayo aqoonteeda, kartideeda iyo xilka
ay hay’adda ka heysay ayaan ugu waabsaneyn.
Sanado kadib ayay maalin xafiiskeeda iigu yeertay, waxayna
igu casuumtay arooskeeda oo asbuuc kadib Muqdisho ka dhici doono. Waxayna ii
sheegtay in ay isla aqalgelayaan mid ka mid ah waardiyaha xarunta hay'adda!
Waan rumeysan waayay. Si ay iigu xaqiijiso ayayna infiito ii soo taagtay. Waa
run oo magaca infiitada ku qoran waa nin aftahan ah oo ka mid ah waardiyaha.
Hambalyo kadib ayaan si kaftan ah u iri: meel aanan kaa fileyn ayaad nooga soo
baxday. Waxay igu tiri: saaxiibow adinka ayaa halkii aan idinka filayay ka soo
bixi waayay. Waayo ma jirin hal nin oo raggiinnaan aqoonta leh ee xafiisyada ka
shaqeeya ka mid ah oo gabarnimo iila sheekeystay, ee damac guur igu soo
hadalqaaday. Waxaana gaaray heer aan dumarnimadeyda ka shakiyo. Balse ninkaanu
waa geesi. Waa ninka kaliya ee igu soo dhiirraday. Subixii markii aan shaqada
soo gelayo ayuu hadal kaftan ah igu tuuri jiray. Qalbi bini-aadam waa bataatiye
kaftankiisu wuu i karay, ee saaxiib nagala soo qeybgal xafladda meherkeenna
ayay igu tiri. Inta farajacay ayaan ku iri: Libaax nin aan garaneyn ayaa lax ka
rito ee Eebbe ha isu kiin barakeeyo.
Intii aysan aqalgelin ayay ninkii waardiyaha ka wareejisay,
waxaana laga dhigay darawalka gaariga hay'adda. Subixii ayuu guryaheenna
gaariga naga soo qaadi jiray, galabkiina wuu nagu celin jiray. Iyagoo saddex
carruur ah isu dhalay ayaana iigu dambeysay oo aan shaqadii ka tegay."
Ustaad Cabdalla
Xoosh aayaa dhacdadaan iiga sheekeeyay.
Ragga waxbartay badankood kuma dhiirradaan gabdhaha
waxbartay, ee shaqooyinka fiican magaalada ka heysta. Qaarkood waxay ka
cabsanayaan in hadal ka tago, oo waxay malaynayaan in ay gabdhahu meeleysan
tahay. Qaar saaxiibbo hoose ayay la yihiin oo shukaansi iyo guur isuguma
yimaadaan. Qaar kalena waxay aaminsan yihiin in aysan dhaqi karin gabar
waxbaratay.
Waa run oo libaax nin aan aqoonin ayaa lax ka rito. Haddii
ay ragga waxbartay ka gambadaan gabdhaha jinkooda ah, waxay u badan tahay in uu
ku dhiirran doono nin aan aqoonteeda iyo shaqadeeda wax badan ka ogeyn, oo
aaminsan: budo qabe iyo biyo waa isu baahan yihiin.
Intii uu uurku buki lahaa afku haku buko, ee shab dheh oo tijaabi nasiibkaada xitaa haddii ay PhD wadato
Waan kugu raacay oo adigaba noobilaw oo shab dheh mid Hayadaha Unka Madax ka ah.
ReplyDeleteSure
DeletePostigaan waa uu i cajabiyay waana qaatay.
ReplyDeleteWaa sheeko dhab u dhaw waxaan arkay macalimad wadata master degree oo wiil waardiya ah u dhaxda
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteAad iyo aad
ReplyDelete