Cilmibaaris uu daabacay Open Psychology Journal oo ay iska kaashadeen jaamacadaha Swansea University iyo Milan University ayaa lagu ogaaday in dadka sawirrada badan soo dhigo Baraha Bulshada ay ka qaadaan ismahdin (Narcissism personality disorder) oo ah khalkhal nafsi ah oo qofka ku dhalinaya in uu iscajabiyo, uuna isla yeesho muhiimad iyo miisaan uusan dadka ku dhex laheyn. Sidoo kale, diraasad ay sameeyeen koox cilmibaarayaal ah oo ay hogaaminaysay Prof. Jesse Fox oo cilmunafsiga ka dhigto Ohio State University ayay ku ogaadeen in dadka sida joogtada ah u soo dhigo sawirradooda ay qabaan xanuunno nafsi ah, sida Egomania oo sababeysa in uu qofku kaligiis-wiil ismoodo. Waxayna sheegeen in dadkaas badankood ay ku fashilmeen xiriirka kala dhexeeya ehelkooda iyo asxaabtooda, ayna yihiin dad maahsan markii ay dadka la sheekeysanayaan, ama ay xaflad joogaan, maadaama ay ka fikirayaan sidii, halkii iyo qofkii ay isku sawiri lahaayeen. Dhanka kale, cilmibaaris ay sameysay jaamacadda Flor...