Skip to main content

Calmaaniga Soomaaliga ah

Wuxuu deystay timaha iyo shaarbaha, wuxuu xiiray garka, wuxuuna sheegtaa in uu yahay maanshiil ilbax ah. Wuxuu iska fogeeyaa raad kasta oo diineed, wuxuuna duraa dhaqanka Soomaalida, wadaaddaha iyo axaadiista Nabiga. Markii uu rabo in uu Islaamka wax ka sheego toos uguma dhiirran karo ee wuxuu ku dhuuntaa magaca Wahaabi, si uu dadku u marinhabaabiyo. 

Markii lagala hadlo sababta uu diintiisa iyo dhaqankiisa ugu dheggan yahay wuxuu ku doodaa in qof kasta aragtidiisa xor u yahay oo uu aaminsan yahay xurriyadda hadalka. Balse haddii aad adigu aragti yeelato oo aad dhaqankiisa kala dooddina wuxuu kugu dhaliilayaa in aad ku xadgudubtay khusuusiyaadkiisa (privacy).

Markii uu arko masjid la dhisayo wuxuu ku doodaa in aan masjid loo baahneyn oo ay tahay in la dhiso isbitaallo iyo musqulo dadweyne. Maalmaha kalena warkaas lagama maqlo. Markii ciiddul-adxada xoolaha la qalayo wuxuu ka hadlaa xuquuqda xoolaha, balse dhib uma arko xoolaha uu maalin kasta hilibkooda ruugayo. 

Ixtiraam gaar ah uma hayo haweenka, balse markii la soo hadalqaado dhaxalka iyo xijaabka ayuu ka hadlaa xuquuqda haweenka, wuxuuna sheegaa in ay gabdhuhu dulman yihiin. Xijaabka wuxuu u arkaa ciqaab iyo jajuub, qaawanaantana xurriyad iyo ilbaxnimo. In ay gabadhu fuliso amarka maamulaheeda wuxuu u arkaa waajib iyo shaqo wanaag, in ay ninkeeda ka dambeysana wuxuu u arkaa dullinimo iyo in xuquuqdeeda meel looga dhacayo. Markii uu tago Yurub, Ameerika iyo waddamaha horumaray, kama soo kororsado aqoon iyo ilbaxnimo, ee wuxuu kala soo laabtaa dhaqanxumo iyo diin-naceyb.

Calmaaniga ama Alladiidka reer galbeedka ah wuxuu raacdaa dantiisa gaarka ah markii uu diinta ku kaco, balse calmaaniga Soomaaliga ah wuxuu ku soo jeestaa oo shaqo ka dhigtaa in uu duro diinteenna iyo dhaqankeenna suubban.



Comments

  1. M.a ustaad blogs aad sameeso waa arin aad u wanagsan mudanna ina lagugu dhiiragaliyo

    ReplyDelete
  2. Sababaha keentay in camaaniga soomaliga ahi si badheedh ah oo qayaxan ula doodo soomalida kale waa isgaoo u arka in ay dad caamo ah yihiin, arki maysid kii oo wadaad ama dadka ehelka u ah diinta la faqaya, bal iskaba daaye wuu ka cararaa meel ay joogaanba.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Kabahaad la dul martay wallahi , duulkaas qarriban ee waayahaan dambe nagu soo badanaya.

      Delete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...