Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2021

Taariikhdu way isi soo celcelinaysaa!

July 15, 2008 Raysulwasaare Nuur Cadde ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), wuxuuna kusime u magacaabay Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur). Xil-ka-qaadistaas waxaa diiday oo sharcidarro ku tilmaamay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna Maxamed Dheere faray in uu shaqadiisa sii wato. Aug 02, 2008 waxaa sababtaas xilalkii iskaga casilay 10 Wasiir iyo 3 Wasiir-ku-xigeen oo taabacsanaa Cabdullaahi Yuusuf, waxaana xukuumaddii Nuur Cadde oo ka koobneyd 15 Wasiir ku soo hartay 5 Wasiir kaliya. Aug 03, 2008 Nuur Cadde ayaa Wasiirro cusub u magacaabay Wasaaradihii la iska casilay.  Aug 4, 2008 Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in uu dalku ku jiro xaalad adag, uuna isagu la wareegay awoodda dalka, xukuumadda Nuur Caddena aysan qaadan karin go'aan iyo heshiis qaran. Aug 24, 2008 shir ayaa Cabdullaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ku dhexmaray Addis Ababa, waxaana qodobbaddii lagu heshiiyay ee uu Cabdullaahi Yuusuf dalbaday ka mid ahaa in la ...

Halgan hirgalay

Magaalada Rabdhuurre ee gobolka Bakool ayuu ku dhashay. Isaga oo 5 sano jir ah ayaa waxaa naafeeyay xanuunka dabeysha. Rabdhuurre ayuu ka soo dhigtay dugsiga Qur’aanka iyo dugsiga hoose. Kaddibna wuxuu u soo wareegay Muqdisho oo uu waxbarashadii ka sii watay. 2010kii ayuu ka qalinjebiyay iskuulka Khadiija bintu Khuweylid ee degmada Dharkenley. Balse duruufta dhaqaale ayaa u diidday in uu Jaamacad dhigto. “2017kii aniga oo ay mootadu iiga halleysan tahay agagaarka Digeer ayaa waxaa i arkay Axmed Sawaaj. Wuu ila sheekeystay, kaddibna wuxuu maalinkii xigtay iga duubay muuqaal aan uga hadlayo nolosheyda iyo hakadka ku yimid waxbarashadayda. Maalin kaddib waxaa ila soo xiriiray ustaad Shaafici Diiriye oo ka mid ah maamulka Jaamacadda SIU. Shaafici wuxuu ii sheegay in uu maamulka hordhigay xaaladdeyda, ayna i siiyeen deeq waxbarasho. Maalinkii ku xigtay ayaan Jaamacadda tegay, waxaana iska diiwaangeliyay kulliyadda Kumbiyuutarka.  Degmada Kaxda ayaan degganahay. Xarunta Jaamacadda ee War...