Magaalada Rabdhuurre ee gobolka Bakool ayuu ku dhashay. Isaga oo 5 sano jir ah ayaa waxaa naafeeyay xanuunka dabeysha. Rabdhuurre ayuu ka soo dhigtay dugsiga Qur’aanka iyo dugsiga hoose. Kaddibna wuxuu u soo wareegay Muqdisho oo uu waxbarashadii ka sii watay.
2010kii ayuu ka qalinjebiyay iskuulka Khadiija bintu Khuweylid ee degmada Dharkenley. Balse duruufta dhaqaale ayaa u diidday in uu Jaamacad dhigto.
“2017kii aniga oo ay mootadu iiga halleysan tahay agagaarka Digeer ayaa waxaa i arkay Axmed Sawaaj. Wuu ila sheekeystay, kaddibna wuxuu maalinkii xigtay iga duubay muuqaal aan uga hadlayo nolosheyda iyo hakadka ku yimid waxbarashadayda. Maalin kaddib waxaa ila soo xiriiray ustaad Shaafici Diiriye oo ka mid ah maamulka Jaamacadda SIU. Shaafici wuxuu ii sheegay in uu maamulka hordhigay xaaladdeyda, ayna i siiyeen deeq waxbarasho. Maalinkii ku xigtay ayaan Jaamacadda tegay, waxaana iska diiwaangeliyay kulliyadda Kumbiyuutarka.
Degmada Kaxda ayaan degganahay. Xarunta Jaamacadda ee Warshadaha ayaana subax kasta iman jiray. 5 maalin ayaan asbuucii Jaamacadda dhiganayay. Khamiista iyo Jimcahana waxaan ka shaqeynayay xafiiska Maaliyadda ee Jaamacadda oo aan shaaheyga ka heli jiray. Waxayna sidoo kale Jaamacaddu meel ii saartay shidaalka mootadayda.”
Sidaas waxaa yiri Aadan Ibraahim Aadan oo maanta ka qalinjebiyay Jaamacadda SIU. Xalfladdana uga hadlay magaca ardayda qalinjebineysa. Halgankii waxbarasho ee uu soo galay, caqabadihii qabsaday iyo sidii uu uga soo gudbay ayuu si dareen ah uga sheekeeyay.
Nasiib wanaag, mid ka mid ah maamulka Dahabshiil Group oo madasha ka hadlay ayaa ballanqaaday in Dahabshiil Group ay shaqo siinayso Aadan Ibraahim.
Hambalyo walaalkey Adan Ibrahim Adan. Adduun iyo aakhiraba waxaan u rajeynayaa nolol fiican iyo mustaqbal ifaya oo aad mahdiso, Alle idankiis.
Aamiin Aamiin
ReplyDelete