Skip to main content

Taariikhdu way isi soo celcelinaysaa!

July 15, 2008 Raysulwasaare Nuur Cadde ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), wuxuuna kusime u magacaabay Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur). Xil-ka-qaadistaas waxaa diiday oo sharcidarro ku tilmaamay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, wuxuuna Maxamed Dheere faray in uu shaqadiisa sii wato.

Aug 02, 2008 waxaa sababtaas xilalkii iskaga casilay 10 Wasiir iyo 3 Wasiir-ku-xigeen oo taabacsanaa Cabdullaahi Yuusuf, waxaana xukuumaddii Nuur Cadde oo ka koobneyd 15 Wasiir ku soo hartay 5 Wasiir kaliya. Aug 03, 2008 Nuur Cadde ayaa Wasiirro cusub u magacaabay Wasaaradihii la iska casilay. 

Aug 4, 2008 Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in uu dalku ku jiro xaalad adag, uuna isagu la wareegay awoodda dalka, xukuumadda Nuur Caddena aysan qaadan karin go'aan iyo heshiis qaran.

Aug 24, 2008 shir ayaa Cabdullaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde ku dhexmaray Addis Ababa, waxaana qodobbaddii lagu heshiiyay ee uu Cabdullaahi Yuusuf dalbaday ka mid ahaa in la soo celiyo Wasiirradii isa casilay. Balse Baarlamaankii ayaa difaaacay go'aankii Nuur Cadde, oo waxay Sep 12, 2008 cod aqlabiyad ah ku diideen in xilalkii lagu soo celiyo Wasiirradii is casilay.

Nuur Cadde wuxuu Gobolka Banaadir u dhisay Gole Deegaan. Shir ka dhacay xafiiska Raysulwasaaraha ayayna Nov 23, 2008 waxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ugu doorteen Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur).

Dec 14, 2008 Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa xukuumaddii Nuur Cadde ku eedeeyay waxqabad la'aan, musuqmaasuq iyo khiyaano qaran, wuxuuna sheegay in uu xilka ka qaaday Nuur Cadde. Dec 16, 2008 ayuuna Raysulwasaare u magacaabay Maxamed Maxmuud Guuleed (Gacmadheere) oo isaguna asbuuc kaddib iska casilay.

Dec 22, 2008 Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsaneyd Afrika Jendayi Frazer ayaa garoonka Jomo Kenyatta kula kulantay Cabdullaahi Yuusuf. Sida lagu baahiyay WikiLeaks, waxay u sheegtay in uu caqabad ku yahay nabadaynta Soomaaliya iyo Geeska Afrika, waxayna ugu baaqday in uu degdeg isu casilo.

Dec 29, 2008 waxaa iscalisay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaana dalka doorasho gaarsiiyay Raysulwasaare Nuur Cadde iyo siihayihii Madaxweynaha, Sh. Aadan Madoobe.



Comments

  1. Mantay farmajo iyo Roble waxey marayaan meshii 2008 is la maarayeen Cabdulahi Yusuf iyo Nuur Cade, Tariikhda is sheegaysa o Malinba magac ku yeeleysa, somalida waxaa la shegaa inaaney Akhris badneyn Tarikhihii horana dib u milicsan, Waana sababta 10ki sanaba dib ugu labaneyso, casharey ka so gudubtay, waxaan rajeynaya dhalinteenu inaan wax kabarano waxyabaha manta dhaca madaba aana waxba ka qaban karin si aan ugu yaraan bari u xasuusano, mr Sabriye wad ku mahadsantahay Qor moyinkaada iyo Xasuusinta tarikhihii tagay🙏

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...