“25 sano oo aan Holland, Ingiriiska iyo Masar ku noolaa kaddib, ayaan Muqdisho ku soo laabtay 2016kii. Waxaan degay agagaarka KM4. Mar kasta oo aan marayo isgoyska KM4 waxaan arki jiray carruur darbijiif ah oo koollo ku dhuuqeysa derbiyada. Labo carruurtii ka mid ah ayaan maalin la sheekeystay. Sheekadooda ayaa i taabatay. In aan duruuftooda fahmo oo wixii aan awoodana ayaan isku dayay. Gurigeyga ayaan geeyay. Qoyskeyga ayaad ka mid tihiin ee halkan cuntada u soo doonta ayaana ku iri. Subax ayaan u raacay meel ay carruurta darjiifka ah ku kulmaan. Waxay ii geeyeen koox cabsan oo wata caagado ay koollo ka dhuuqayaan. Waan kala bartay. Arrad daran ayaa ka muuqday. Waxaana u soo iibiyay kabo iyo dhar huudhey ah. In aan noloshooda wax ka beddelo ayaan go’aansaday. Dhul weyn oo aan lahaa ayaan go’aansaday in aan ka dhiso xarun carruurtaas lagu xannaaneeyo. Dhawr boos oo ka mid ah ayaana gaday si aan u helno lacag aan ku dhiso. Toban wiil ayaan ku billaabay. Markii aan maalm...