Skip to main content

Soomaaliyey dadkiinna kala barta!

God mugdi ah ayuu iftiin ka dhex arkay. Soomaaliya oo holcaysa oo qof kasta oo awoodi karay uu naftiisa iyo xoolihiisa kala cararay ayuu doortay in uu naftiisa iyo hantidiisa ku biimeeyo. Magaalo furin dagaal ah oo ay ka jirtay sabab kasta oo ku dhiirrigelin kartay in uu ka cararo ayuu ku dhiirraday in uu ku noolaado, oo ganacsina ka dhex abuuro. Jid qodxo badan ayuu qaaday. Halgan dheer oo ugu dambeyn miradhalay ayuuna ku gaaray heerka uu maanta joogo.


Wuxuu dalka ka hirgeliyay shirkadda Soomaaliya ugu weyn ee maanta loo shaqatago. Kumanaan qoys ayaa ku tiirsan oo laga biilaa ganacsiyadii u soo harjaday; Soomaali oo dhan ayaana ku tiirsan adeegyada ay bixiyaan. Horumarka dalka iyo shaqa-abuurka dadka ayuuna gacan weyn ka gaystay.


Hey'ad shirkaddiisa u qaabilsan samafalka iyo taakuleynta dadkeeda ayuu sameeyay. Markii ay dhibaato dhacdo sida abaar iyo fatahaad, shirkaddiisu waa tan koowaad ee dadkeeda u gurmata. Markii uu dalka ka dillaacay Coronavirus, waxay isu xilqaantay badbaadinta nolosha dadkeeda, waxayna isbitaallada u soo iibisay haamo oksijiin. Markii dambena waxay dalka keentay warshad soo saarta okjisiinka. 


Mar kasta oo meel dab ka kaco, shirkaddiisu waxay isu xilqaantaa deminta dabka iyo badbaadinta hantida dadka. Dabdamis kaliyana uguma sintee, waxay gacanqabataa dadkii dabkaas ku xoolobeelay, oo bilo ka hor ayayba deeq siisay dadkii ku hantibeelay dabkii ka kacay isgoyska Banaadir.


Wuxuu dhisay xarumo agoonta lagu daryeelo. Wuxuu higeliyay iskuul si bilaash ah wax loogu baro dadka indhoolayaasha ah. Ramadaan kasta waxay afuriyaan kumanaan qoys oo danyar ah. Waxay dhiirrigeliyaan waxbarashada, diini iyo maaddiba. Soonqaad walba waxay taabbageliyaan tartanka xifdinta Quraanka oo lagu tartansiiyo carruur ka kala timid gobollada dalka. Sanad kastana waxay deeq waxbarasho siiyaan bololaal arday oo ay tartan ku kala saaraan.


Sanado ka hor waxaan duleedka tareedisho ku arkay xarun agoonta lagu xannaaneeyo oo uu aabbihiis u waqfay. Ciiddana waxaa Muqdisho laga daahfurayaa Masjid uu aabbihiis u waqfay. Dad dhaliilaya oo leh Masjid wax ka daran ayaa jira ayaan arkay. Gari Alley taqaane, Masjidkan canshuur dadweyne oo dadka ka wada dhaxeysa kalum dhisin ee jaabkiisa ayuu ka bixiyay. Dadkiisana ma dayicin ee mashaariic horumarin iyo samafal ah oo ay dad badan ku nacfiyeen ayuu dalka ka hirgeliyay. Inta aan ogahayna, shirkaddiisu waa tan kaliya ee leh hey'ad samafal oo taakuleysa dadka danyarta ah. Dabcan dad badan ayaa ganacsiyada shirko kula ah, balse isaga ayaan ku halqabsaday maadaama uu fikirka iyo hirgelintiisa hormuud u ahaa. 


Ma aqaan qof Soomaaliya u qabtay inta uu isagu u galay. Howlo dowladdu gabtay ayuu u istaagay. Arxan iyo damqasho aanan ganacsatada kale laga helin ayaana Alle ku deeqay. Abaal aan duugoobeyn oo aanan ogeyn goorta loo gudi doono ayuuna dadkiisa iyo dalkiisa gashaday. 


‘Soomaaliyey dadkiinna kala barta’ waa kii Madaxweyne Aadan Cadde yiriye, Axmed Nuur Cali Jimcaale waa ganacsade iyo samafale Ilaahey dadkiisa iyo dalkiisa ku anfacay, oo bogaadin iyo kudayasho mudan. Wuxuu astaan iyo tusaale nool u yahay hal-abuurka, halganka, adkeysiga, ammaanada, iskutashiga, garashada iyo waxquurka. Ixtiraam iyo qaddarin badan ayaan u hayaa. Eebbe cimrigiisa iyo xoolihiisa ha u barakeeyo.



Comments

  1. Run ahaantii aad beey ii taabatay shekadaan uu ustaad Hussein sabriye ku dabacay blogpost-giis, mhdassnid in badan maamule wax badan ayaad naga bartay ahmed nour ali jimcale

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...