“25 sano oo aan Holland, Ingiriiska iyo Masar ku noolaa kaddib, ayaan Muqdisho ku soo laabtay 2016kii. Waxaan degay agagaarka KM4. Mar kasta oo aan marayo isgoyska KM4 waxaan arki jiray carruur darbijiif ah oo koollo ku dhuuqeysa derbiyada.
Labo carruurtii ka mid ah ayaan maalin la sheekeystay. Sheekadooda ayaa i taabatay. In aan duruuftooda fahmo oo wixii aan awoodana ayaan isku dayay. Gurigeyga ayaan geeyay. Qoyskeyga ayaad ka mid tihiin ee halkan cuntada u soo doonta ayaana ku iri.
Subax ayaan u raacay meel ay carruurta darjiifka ah ku kulmaan. Waxay ii geeyeen koox cabsan oo wata caagado ay koollo ka dhuuqayaan. Waan kala bartay. Arrad daran ayaa ka muuqday. Waxaana u soo iibiyay kabo iyo dhar huudhey ah.
In aan noloshooda wax ka beddelo ayaan go’aansaday. Dhul weyn oo aan lahaa ayaan go’aansaday in aan ka dhiso xarun carruurtaas lagu xannaaneeyo. Dhawr boos oo ka mid ah ayaana gaday si aan u helno lacag aan ku dhiso.
Toban wiil ayaan ku billaabay. Markii aan maalmo hayay oo ay muuqaalkooda is beddelay ayaan ka duubay muuqaal ka warbixinaya noloshooda. Waxaan baadigoobay darijiifyada, waxaana tegi jiray meelaha ay fariistaan. Markii aan mid arko waxaan u shidi jiray muuqaalkii aan soo duubay, si aan u jecleysiiyo nolosha ay ku jiraan kuwa aan hayo. Nasiib wanaag, muuqaalkaas wuxuu sabab u noqday in aan carruur badan ku qanciyo nolosha xarunta ka jirta.
Waxaan hadda haynaa 83 carruur ah. Ilmaheygu waa koreen oo juhdi badan iigama baahna. Waqtigeyga ugu badan halkan ayaan ku qaataa. Asxaabteyda ayaan u kaashadaa socodsiinta xarunta, oo waxaan ku wadnaa qaaraan aan iyaga ka qaado. Markii laga soo tago Macallimiinta, xarunta waxaa xoog iyo lafdhabar u ah isla carruurta. Iyaga ayaa cuntada karsado, oo dharkooda dhaqdo, gurigana nadiifiyo.”
Waa sheekada maamo Siraad Mohamed Nuur (Ugaaso) oo aan galabta kula kulmay Beerta Nabadda iyadoo ciyaarsiinaysa carruur ay ku xanaaneyso xarunta Mama Ugaaso Foundation ee degmada Wadajir. Daryeelka ilmaha darbijiifka ah ayay isu xilqaantay, waxayna ku guuleysatay in ay mustaqbalka u ifiso carruur dayacan oo ku jiray nolol mugdi ah. Eebbe Janno ha ugu abaalgudo maamo Ugaaso.
Masha allaah allaha ka ajarsiiyo dambi dhaafna allaha uga dhigo
ReplyDeleteEebe haka abaal mariyo.
ReplyDelete