Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka. Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto. Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...