Skip to main content

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka. 


Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto. 


Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. Taksi ayay i saareen, gurina waa i dajiyeen. Labo maalin kaddibna, inta fiiso bug ah ii sameeyeen ayay i saareen tareen Finland u socday.


Waxaan galnay magaalada ee caasimadda dalka Finland. Kaam ay u badan yihiin dad Estonia u dhashay ayaa la i geeyay. Fiid hore ayaan seexan jiray, aroortiina waan soo kici jiray. Maalmo kaddib kaamka ayaan shaqo ka helay, oo waxaan subixii aruurin jiray haashka sigaarka ee ay meelaha ku tuuraan dadka kaamka ku jiray oo habeenkii dhafri jiray. Cunsuryo badan ayaan la kulmi jiray, waana nala garaaci jiray marka aan jidadka mareyno.


Seddax bil kaddib ayaa waxaa nala kala dooransiiyay shaqo iyo waxbarasho, waxaana doortay in aan shaqeysto, maadaama ay qoyskeygii nolol iga sugayeen. Tababar cuntakarin ah ayaa la i siiyay, kaddibna shirkad ayaan interview u galay. Gabadhii shirkadda madaxda ka ahayd ayaan uga warbixiyay xaalkeyga iyo duruufta qoyskeyga. Gabadhii inta ii damqatay ayay shaqadii i siisay. Sannad kaddibna isla gabadhii madaxda ii ahayd ayaan guursaday. Waxay ii noqotay hooyo labaad oo i bartay dhaqanka iyo anshaxa Finishka iyo sida loola shaqeysto.


Subixii inta isla kallahno ayaan galabkiina shaqada iskala soo carraabi jirnay. In aan shaqaalannimada ka baxo oo aan iskeey u shaqeysto ayaan go'aansaday. Dukaan ayaa furtay. Macaamiisheyda ugu badan Soomaali ayay aheyde, inta deyn badan iga qaateen ayaa dukaankii musallafay. Kaddibna shirkad dhismo ayaan furtay. Halgan adag ayaan galay oo subixii sida aan u kallaho ayaan habeenkii saqdhexe soo hoyan jiray anigoo rafaadsan, maadaama aan dhismo ka shaqeynayay. Gabadhii noloshaas iyo cidladii ayay igu dhibsatay, waxayna ii soo jeedisay in aan shaqada joojiyo ama aan kalatagno. In aan kalatagno oo aan halganka aan ku jiro ka mirdhaliyo ayaana doortay, kaddib 20 sanno oo aan qurux ku wada nooleyn. 


Alle mahaddiis, ganacsigii guuleystay oo inta shaqo ee aan Filand ka abuuray, qof madoow horay uma abuurin. Waxaaa bixiyaa canshuurta ugu badan ee ganacsade madow ah dhiibo. Sannad kasta bisha December waxaa la shaaciyaa oo shirkadaha helay faa'iidada ugu badan, shirkaddeydu waa ka soo muuqataa. Weli cunsuriyaddii ayaa jirto oo sababtaas ayaan mar walba ula kulmaa cadaadis badan. 


Waxaan nolosha ku soo celiyay oo fursado shaqo siiyaa dhallinyarada Soomaalida ah oo nolosha ka dhacday, maadaama la cunsuryeeyo oo aysan shaqooyin fiican ka helin shirkadaha dalkaan. Waxaana xirfado ay ku shaqeystaan ku tababaraa gabdhaha Soomaalida. Lacagta aan sameeyay waxaa igala micno weyn magaca aan u soo jiiday dalkeyga iyo dadkeyga iyo shaqoyinka aan siiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaan ku dayacan.


Mar kasta waxaan xusuustaa dadkii aan ka soo tegay, waxaana ahaa nin jaanisgaad ah oo raadinaya nolol wanaagsan, maadaama ay i fiirsanayeen 12 qof oo hooyadey agoonnimo ku korinaysay. Alle mahaddiis, 32 sano oo aan Filand ku noolahay, waligeyna cayr ma qaadan. Waxaan kaalmaysanayay iyo aan ku meelmaray dardaarankii iyo ducadii hooyadey.


Waa sheekada ganacsade Cabdi Cabdulle Cismaan (Indhabuur) oo aan Muqdisho ku sheekeysanay.



Comments

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...