Skip to main content

Dhambaal ku socdo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sh. Cabdulqaadir

Salaam mudane Wasiir,


Waxaan kuu arkaa wasiirka wasaaraddii uu ugu habboonaa loo magacaabay, maadaama aad lafdhababar u ahayd iftiinkii waxbarasho ee dalka ka bidhaamay xilli ay adkeyd in waxbarasho lagu riyoodo. Waxbarashadaas oo ay ka aflaxeen dhallinyaro badan oo ay qaarkood kugula jiraan Golaha Wasiirrada, waxaa maanta ku yaalla dhaawacyo daweyn iyo daryeel kaaga baahan. Waan ku kalsoonahay in aad in ay xogogaal u tahay xaaladda waxbarashada dalka, lexajeclo badanna kaa hayso. Taas ayaana igu dhiirrigelinaysa in aan dhambaalkan furan kuu soo diro. 


War helaa talo helo. Muddo ayaan ka sii maqan tahay hoggaanka waxbarashada. Xogwareyso oo waqti la qaado bahda waxbarashada, si aad u fahmanto halka ay wax marayaan iyo baahiyaha jira; una sameey hab ay kuugu soo gudbiyaan talooyinka iyo cabashooyinka ay qabaan.


Iskuulladu waxaa dhibbanayaal u yihiin isqabqabsiga u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. Markii ceelley heshiiso, ayaa xooluhu biyo cabaan. Fadlan xal waara u raadi hardanka jahawareeriyay iskuullada, oo maamulka waxbarashada u yeel hal jiho oo loogu hagaago.


Goror ayaa ku socdo waxbarashada dalka, oo macallimiintii tayada leh kuma raagaan iskuullada, maadaama uu liito mushaarka ay qaataan. Waxaan ku talinayaa in ay arrinkaas Wasaaraddu iska warsato, qorshena ka yeelato, oo ay kab u raadiso iskuullada.


Manhajka Iskuulka ee Wasaaraddu waa qaali. Shalay buugaagta hal arday oo fasalka 12aad ah ayaan ka soo bixiyay $42. Bal maleyso xaalka aabbe danyar ah ee ku qasban in uu 5 carruurtiisa ka mid ah oo iskuul u dhigata u iibiyo manhajkan, ee laga rabo $210! Sababta uu qaali u yahay waa in suuqa daabacaadda ee manhajkan loo xiray hal shirkad, loona diiday madbacadaha kale. Waxaan soo jeedinayaa in suuqaas la furo, si loogu tartamo, oo loo raqiisiyo.


Wasaaraddu waxay ardayda uga ciyaartaa khaatumada waxbarashada iskuulka, oo wuxuu imtixaanka Wasaaradda ugu yimaadaa qishkii iskuulka loogu diidi jiray oo ay fududeynayaan dadka imtixaanka ilaalinaya. Wax cudurdaar ah oo aan dayac ahayn ma lahan in wasaaradda oo imtixaankan qaadaysa sannadkii 8aad, aysan weli xal u helin qishkaas baahsan. Niyadjab ayay ku tahay ardayga dadaalaya ee hadda iskuul dhiganaya ee sii og in imtixaankaas la qishi doono. Fadlan u kuurgal halka sartu ka qurunsan tahay, oo xal u raadi musiibadaan qaran. 


Dadka aan yaraantoodii helin fursad waxbarasho waxay geli jireen iskuullada dadka waaweyn oo wax ku bara muddo kooban. Balse hadda iridkaas waxaa ka soo xirtay Wasaaradda Waxbarashada. Waxaa habboon in dadkaas fursad la siiyo oo la badbaadiyo mustaqbalkooda. Dowladduna ay shardi uga dhigto in ay ku baasaan imtixaannada shahaadiga ah, sida dunida kaleba ka jirta.


Maalmaha soo socdo waxaa la shaacin doonaa natiijada imtixaankii Dugsiga Sare. Kumanaan arday ayaa maalmo kaddib loo sheegi doonaa in ay ku dhaceen imtixaankaas, oo uu ku xiran yahay mustaqbalkooda waxbarasho. Arrinta walwalka leh waa in aysan jirin meel uu u dacwoodo ardaygii cabasho qabo, ee aaminsan in uu dadaalay, lagana yaabo in uu ilduufay macallinkii imtixaanka u saxayay. Waxaa ku talinayaa in aad mushkiladdaas xal u raadiso, oo aad samayso xarun maareyso cabashada ardayda.


Dalladaha waxbarashada oo aad ka mid aheyd odayaashii aasaasay waa keydka waxbarashada dalkan oo ay ka soo gudbiyeen xaalad adag. Xilli aan dalka dowlad ka jirin ayay waxbarashada dowlad u ahaayeen. Balse waayahaan waxay colaadin kala kulmeen dad aan fahamsaneyn waxtarkooda iyo kaalintoodii waxbarashada. Waxaa ila qumman in dalladaha la qarameeyo ee aan la baabi'in, lagana faa'iideysto khibraddooda.


Sannad kasta waxaa Wasaaradda Waxbarashada la keenaa deeqo waxbarasho, waxaase lagu kala qaataa suuqmadoow oo ma jiro nidaam hufan oo uu ku heli ardaygii u baahan. Fadlan deeqahaan u sameey nidaam imtixaan oo loo siman yahay, si ay u helaan dad aqoon iyo karti leh oo ka miradhalin karta fursadda la siiyay. Qodobkan wuxuu i xusuusinayaa Wasiirkii Waxbarashada, Prof. Ibraahim Caddow oo si milgo iyo hufnaan badan u maareeyay deeqahan, xilli ay duruufuhu sidaan ka xumaayeen. Eebbe ha u naxariisto.


Wasaaradda Waxbarashadu waa gacanbidixeysay Tacliinta Sare. Fadlan nooleey waaxdan oo ay ku xiran yihiin wax kasta oo ku saabsan tacliinta sare, oo fariisi hey’adda iyo guddiga tacliinta sare. Wasiir Goodax Barre wuxuu ku dhiirraday in uu dhiso guddi ku-meel-gaar ah. Waxaan filayaa in aad ku baraarugsan tahay khaladaadkii ka dhashay duruuftii guddigan lugu aasaasay. Fadlan dib-u-sax wixii khaldamay, oo hubi in ay ka bixi karaan hawsha culus ee hortaalla. Hadda waa guddi ku magacaaban wareegto wasiir, oo markii la doonana la kala diri karo. Waa muhiim in la horgeeyo Baarlamaanka, si ay u noqdaan guddi madaxbannaan.


Waxaan rajaynayaa in aad ku baraarugsan tahay xaaladda cilmibaarista dalka oo aysan wax naf leh ka billaawneyn. Jaamacaduhu waa u soo jeedaan, niyad ayayna u hayaan cilmibaarista. Fadlan xooggasaar in ay wasaaraddu dadaalladaas udubdhexaad u noqoto, oo ay kaalin hoggaamineed ka qaadato dhiirrigelinta iyo nooleyta cilmibaarista dalka, una qoondeyso miisaaniyad lagu socodsiiyo.


Cudurdaar aan dayacaad aheyn looma heli karo in qof aan waxba baran uu shahaado jaamacadeed ka soo iibsado suuqa sidii raashinka iyo dharka, dowladduna aysan masuuliyad iska saarin. Waxaa maqan kaalintii dowladda ee korjoogteynta jaamacadaha. Waxaana rajaynayaa in aad keento nidaam iyo sharci gacmaha qabanaya jaamacadahaas tirada yar, ee hadda sii badanaya.


Sannad kasta mashaariic malaayiin doollar ah ayaa la galiyaa waxbarashada dalka, mana muuqdo isbeddel micno leh, maadaama la geliyo dhinacyo aan horetebin noo laheyn. Ku dadaal in hay’adaha waxbarashada naga taageera ay nagala shaqeeyaan baahiyaha aan qabno, oo aysan noo yeerin ajendayaal ay wataan.


Cilladahaas iyo kuwo kale oo ay iiga xogogaalsan yihiin dadka waxbarashada maamulo ayaa ii muuqdo. Waxaan kaa rajaynayaa in aad waxbarashada ku mashquusho ee aadan ka mashquulin. Cudurdaar laga aqbali karo wasirrada kale ee loo dhiiban meelo aysan xogogaal u aheyn ayaa adiga kaa xiran, oo ma ogi cid kaaga habboon, kaagana lexajeclo badan oo maanta qaban laheyd. Fadlan  ku reeb raad iyo dhaxal lagugu soo xusuusto, oo ku cibaadeyso toosinta waxbarashadii aad hormuudka u ahayd in ay hanaqaaddo xilli ay adkeyd in waxbarasho lagu riyoodo. Waxaana Alle kuu waydiinayaa in uu kula garabgalo. Guuleyso Wasiir, Faarax.


Xuseen Sabriye

Bare Jaamacadeed

Muqdisho, Soomaaliya


Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Safarkii aan ku tegay caalamka Twitterka

Bishii November ee 2010kii ayaan Facebook ku soo biiray, si fudud ayaana ula qabsaday, waayo dadka aan ugu imid waxay ahaayeen Soomaali af Soomaali ku hadlaysa. Saddex bilood ka dib ayaan Twitter aaday bishii February ee 2011, waxaana igu adkaatay in aan la qabsado dhaqankii ka jiray, waayo Soomaalida iyo af Soomaaliga ayaa ku yaraa dadkii aan ugu tegay. Bishii January ee sanadkaan ayaan mar kale Twitter ku laabtay, ciwaankeygii hore ayaan dib u furtay, dad Soomaali iyo ajaanib ah oo ay ii fududaatay in aan la jaanqaado ayaana ugu tegay. Twitter waa magaalo deggan oo ay naftu ku raaxeysaneyno qoraalladeeda kooban, kala duwan, ee waaqiciga ah, ayna uga nasaneyso buuqa Facebook ka jira iyo dhaqanka liita ee ah in hal mowduuc oo aan naf laheyn lagu wada yaaco. Erayada uu qofku Twitterka ku soo qori karo oo ku xadidan 280 xaraf iyo qoraalka oo uusan waxba ka bedeli karin haddii uu daabacdo ayaa qofka ku qasbaya in uu farriintiisa ka fiirsado in uusan soo dhigin, mana tiri karo faall...