Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2020

Cilmiga ha laguu dhigee caqliga kaasho baa la yiri!

Dood ku saabsan sinnaanta ragga iyo dumarka oo uu TV-ga Al-Jazeera martigeliyay ayaa la isugu keenay wadaad ku doodayay in uu Alle kala duway ragga iyo dumarka, iyo mid ku doodayay in ay siman yihiin. Wadaadkii ayaa hadalka ku horreeyay, wuxuuna ka hadlay halka uu Islaamku kala geeyay ragga iyo dumarka, iyo xikmadda ka dambeysa. Markii uu dhameystay ayuu hadalka ku wareejiyay kii kale, wuxuuna ku yiri:(الأن تكلمي يا رجل) oo micnaheedu yahay "Adna hadal ninyahey". Ninkii ayaa xanaaqay, wuxuuna sheegay in uu wadaadku bahdilay oo uu sidii dumar ula hadlay. Intaas ayuuba ka rabaye, wadaadkii ayaa ku yiri "Oo haddii aadan adigu ogoleyn in aan sidii dumar kuugu yeero, sidee rabtaa in aad ugu dooddo in ay ragga iyo dumarku wax kaste ka siman yihiin?" Ninkii waa jeejeestay, halkii ayaana dooddii lagu xiray. Mid qoraa ah oo balaayo iska dhigaya ayaa Mr. Bernard Shaw oo ahaa Riwaad-sameeye iyo qoraa weyn oo Biritish u dhashay wuxuu ku yiri: "Qoraannimada aniga ayaa kaaga...

Markii dal burburayo, dadkiisa waxgalka ah kama tagto ee cagta ayuu sii mariyaa!

Dhaxal faneed oo aan loo ogeyn ayuu ifka uga tegay. Tuulada Dac oo 18KM galbeed uga beegan degamada Ceelbuur ayuu ku dhashay 1948-dii, halkaas ayuuna ku soo barbaaray. Maalmihii xuriyadda ayuu soo galay magaalada Muqdisho oo uu wax ku bartay. Cilmiga luqadaha ayuu ka bartay jaamacaddii Umadda, kadibna waxa uu agaasime ku xigeen ka noqday Wakaaladdii Biyaha Soomaaliya. Intii uu socday dagaalkii 1977kii waxaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Godeey, markii dagaalka laga soo laabtayna waxaa loo magacaabay xoghayaha Wasaaradda Ganacsiga, halkaas oo uu ka shaqeynayay in ku dhow 10 sano. Waa abwaan Xaashi Yuusuf Warsame Cabdulle oo ahaa walaalka ka weyn Cabdalla Yuusuf(Hanuuniye). Sida ay Hanuuniye iyo Barre Fiidow ku xuseen wareysi uu Cumar Seerbiya uga qaaday tlifishanka Goobjoog, waxa uu Xaashi Yuusuf curiyay heeso badan oo maanta Hanuuniye loo yaqaan, oo ay ka mid yihiin "Hasha labada geel jecel" iyo "Gorgoryohow i gaarsii". Sanadkii 1982-kii wuxuu curiyay he...

Boqorad aad dadkeedu boqrin, Dr. Maryan Qaasim

Tobaneeye sano ka hor ayaan isku barannay dalka Ingiriiska. Mar ayaan aniga iyo koox ka mid ah haldoorka Soomaalida ee dalka Ingiriiska ku booqannay gurigeeda boqran, oo ay si fiican noogu soo dhoweysay. Waan sheekeysannay, waxaana ka helay shakhsiyaddeeda kartida badan, dhiirranaanteeda dhanka hadalka ah, biseylkeeda dhanka fikirka ah, iyo sida ay danta guud ugala weyn tahay danteeda gaarka ah, ayna u jeceshahay diinta iyo dacwada, uguna hanweyn tahay in ay u adeegto dadkeeda iyo dalkeeda hooyo, waana sababta ay u diidday in ay noqoto kaar ay xoqdaan xukuumadihii dalka soo maray. Waxa ay igala weyn tahay malaayiin nin oo gar iyo shaarbo leh, oo waxa ay dalka u dhibeen ay ka badan tahay waxa ay u galeen, waxa ayna maanta yeelan laheed weyneyn, magac iyo maamuus u gaar ah haddii ay u dhalan laheed dal laga tixgeliyo dadka waxgalka ah, waxa ayna ka mid noqon laheed tiirarkiisa cuskiinada adag u ah dacwada iyo ilbaxnimada. Haddii ay maanta Masaaridu ku faanaan Seynab Al-Qasaali, Suudaantu...