Dood ku saabsan sinnaanta ragga iyo dumarka oo uu TV-ga Al-Jazeera martigeliyay ayaa la isugu keenay wadaad ku doodayay in uu Alle kala duway ragga iyo dumarka, iyo mid ku doodayay in ay siman yihiin. Wadaadkii ayaa hadalka ku horreeyay, wuxuuna ka hadlay halka uu Islaamku kala geeyay ragga iyo dumarka, iyo xikmadda ka dambeysa. Markii uu dhameystay ayuu hadalka ku wareejiyay kii kale, wuxuuna ku yiri:(الأن تكلمي يا رجل) oo micnaheedu yahay "Adna hadal ninyahey". Ninkii ayaa xanaaqay, wuxuuna sheegay in uu wadaadku bahdilay oo uu sidii dumar ula hadlay. Intaas ayuuba ka rabaye, wadaadkii ayaa ku yiri "Oo haddii aadan adigu ogoleyn in aan sidii dumar kuugu yeero, sidee rabtaa in aad ugu dooddo in ay ragga iyo dumarku wax kaste ka siman yihiin?" Ninkii waa jeejeestay, halkii ayaana dooddii lagu xiray.
Mid qoraa ah oo balaayo iska dhigaya ayaa Mr. Bernard Shaw oo ahaa Riwaad-sameeye iyo qoraa weyn oo Biritish u dhashay wuxuu ku yiri: "Qoraannimada aniga ayaa kaaga mustaqbal fiican, waayo adigu waxaad wax u qortaa in aad lacag lee ka sameyso, aniguna waxaan wax u qoraa in aan magac iyo sharaf ka helo". Bernard Shaw ayaa ugu jawaabay: "Waa runtaa, waayo qof kaste wuxuu raadinayaa wixii ka maqan!"
Sida la wariyay, Imaamu Axmed bin Xanbal iyo Shiico ayaa maalin dood diineed ku ballamay, wuxuuna Imaamku hoolkii doodda soo galay isaga oo gacanta ku wato kabihiisii. Imaamka ayaa la weydiiyay sababta uu kabaha iridda ugu soo siibi waayay ee uu gacanta ugu soo qaatay, wuxuuna ku jawaabay: "Waxaan maqlay in ay Shiicadu kabaha xadi jireen waagii Nabiga, marka waxaan ka baqayaa in ay kabaha iga xadaan" Inta is fiirfiiriyeen ayay dhaheen "Waa beentaa, oo Shiico maba jirin xilligii Rasuulka"! Intaas ayuu ka rabaye, wuxuu ku yiri: "Haddaba adinka ayaa marqaati iiga ah in ay diintiinnu been-abuur tahay oo aysan jirin waagiii Nabiga oo ay diintu soo degeysay, ee nagu kala wada"!
Jawaabaha iyo dooduhu inta ay u baahan yihiin cilmi iyo caddeyn, ka badan ayaa waxay rabaan caqli, xariifnimo, kaarto iyo cag-wareejin. Waa halkii uu abwaan Cabdalle Yuusuf Hanuuniye uga heesay: "Cilmiga ha laguu dhigee, caqliga kaasho baa la yiri"! waa run, waa run, waa run.

Masha Allah xusen Sabriye waad ku mahadsantahay sida aad inoola wadaagtay qormadaan aadka u qiimaha badan.
ReplyDeleteRuntii waa maqaal xikmad iyo qosol intaba wata waana icajabiyey qaasatan arinta shiicada
ReplyDelete