Skip to main content

Boqorad aad dadkeedu boqrin, Dr. Maryan Qaasim

Tobaneeye sano ka hor ayaan isku barannay dalka Ingiriiska. Mar ayaan aniga iyo koox ka mid ah haldoorka Soomaalida ee dalka Ingiriiska ku booqannay gurigeeda boqran, oo ay si fiican noogu soo dhoweysay. Waan sheekeysannay, waxaana ka helay shakhsiyaddeeda kartida badan, dhiirranaanteeda dhanka hadalka ah, biseylkeeda dhanka fikirka ah, iyo sida ay danta guud ugala weyn tahay danteeda gaarka ah, ayna u jeceshahay diinta iyo dacwada, uguna hanweyn tahay in ay u adeegto dadkeeda iyo dalkeeda hooyo, waana sababta ay u diidday in ay noqoto kaar ay xoqdaan xukuumadihii dalka soo maray.

Waxa ay igala weyn tahay malaayiin nin oo gar iyo shaarbo leh, oo waxa ay dalka u dhibeen ay ka badan tahay waxa ay u galeen, waxa ayna maanta yeelan laheed weyneyn, magac iyo maamuus u gaar ah haddii ay u dhalan laheed dal laga tixgeliyo dadka waxgalka ah, waxa ayna ka mid noqon laheed tiirarkiisa cuskiinada adag u ah dacwada iyo ilbaxnimada.

Haddii ay maanta Masaaridu ku faanaan Seynab Al-Qasaali, Suudaantuna ku faanto Sucaad Al-Faatix, Soomaaliduna waa in ay ku faanto gabadhaan birlabka ah, waa Dr. Maryan Qaasim Axmed. Waan u taaganahay Dr. Maryan Qaasim, waxaana u hayaa jaceyl iyo qaddarin, maamuus iyo karaamo, waana ku faanayaa in aan wadaagno isirka Soomaalinnada ah. Waa macdan iyo haldoor ka mid ah dadkeyga oo ku dheggan kuna faanto diinteeda iyo dhaqankeeda suubban. Waa dhaqtarad, barafasoorad, iyo daaciyad islaami ah, waxa ayna dalka ka soo noqotay wasiir ay iska casishay markii ay aragtay badweynta wasakheysan ee siyaasadda dalka, oo in ay wax ka beddesho ay ka fududdahay in uu iyada beddelo, balse taasi ma hanjebinin oo wali waa daaciyad, mufakir aragti ummadeed xambaarsan, iyo aqoonyahan Soomaaliyeed, balse ku dhex nool jawi aan taageereynin iyo bulsho aan qiimeynin ee colaadisa dadkeeda waxgalka ah.

Badweynta Atlaantiga gadaasheeda ayaan kaa soo salaamayaa, kaagana soo duceynayaa ee Alle haku garabgalo gabadheenna birlabka aheey, Maryan Qaasim.

Maqaalkaan waxaa af Carabi ku qoray Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, waxaana soo tarjumay Xuseen Sabriye.


Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...