Dhaxal faneed oo aan loo ogeyn ayuu ifka uga
tegay. Tuulada Dac oo 18KM galbeed uga beegan degamada Ceelbuur ayuu ku dhashay
1948-dii, halkaas ayuuna ku soo barbaaray. Maalmihii xuriyadda ayuu soo galay
magaalada Muqdisho oo uu wax ku bartay. Cilmiga luqadaha ayuu ka bartay
jaamacaddii Umadda, kadibna waxa uu agaasime ku xigeen ka noqday Wakaaladdii
Biyaha Soomaaliya. Intii uu socday dagaalkii 1977kii waxaa loo magacaabay
guddoomiyaha gobolka Godeey, markii dagaalka laga soo laabtayna waxaa loo
magacaabay xoghayaha Wasaaradda Ganacsiga, halkaas oo uu ka shaqeynayay in ku
dhow 10 sano.
Waa abwaan Xaashi Yuusuf Warsame Cabdulle oo
ahaa walaalka ka weyn Cabdalla Yuusuf(Hanuuniye). Sida ay Hanuuniye iyo Barre
Fiidow ku xuseen wareysi uu Cumar Seerbiya uga qaaday tlifishanka Goobjoog,
waxa uu Xaashi Yuusuf curiyay heeso badan oo maanta Hanuuniye loo yaqaan, oo ay
ka mid yihiin "Hasha labada geel jecel" iyo "Gorgoryohow i
gaarsii". Sanadkii 1982-kii wuxuu curiyay heesta "Laab dooxantay"
oo ay markii hore wada qaadeen Hanuuniye iyo Nadiifo Cali Kullane, 1984-tiina
uu Barre Maxamed Fiidow ku soo darsaday riwaayaddiisa "Ka joog adiga
maahee" oo ay ku wada qaadeen Saafi Ducaale iyo Axmed Inshaar, dibna waxaa
mar kale u qaaday Xabiibo Xasan Tooxow iyo Axmed Inshaar, iyo fannaaniin kale.
Dabayaaqadii 1987kii waxaa abwaan Xaashi
Yuusuf haleelay xanuun sixir lagu sheegay oo ka naafeeyay maskaxda iyo lugta
bidix. Markii ay burburtay dowladdii dhexe wuxuu safka hore ka galay dadkii
dhibbanayaasha u noqday dagaalladii dhacay. Waxaa dhaawac dhanka garabka ah ka
soo gaaray wiifto ka timid dagaal jabhadihii iyo dowladda Muqdisho ku dhex
maray, mar kalena waxaa dhaawac culus ka soo gaaray dagaalkii 1993-dii Xamar ku
dhex maray askartii Mareykanka iyo jabhaddii USC.
Bartamihii sagaashameeyadii waxaa Xaashi
Yuusuf la geeyay tuuladii Dac ee uu ku dhashay, waxaana halkaas ku xannaaneyn
jirtay walaashiis Xabiiibo Yuusuf Warsame.
In kaste oo uu xanuun cuuryaamiyay
maskaxdiisa, marmarka qaar waa ay fiicneed xusuustiisu, wuxa uuna ka sheekeyn
jiray berisamaadkiisii, in kaste oo uusan mar kaste heli jirin dad uu uga
sheekeeyo maadaama ay dadka badankood u arkayeen nin waalan oo iska hadlaya.
Wuxuu si fiican u yaqaannay Ingiriiska,
Faransiiska iyo Talyaaniga. Markii aan iskuulka ka soo baxno waxa aan ku soo
mari jirnay balanbalo iskuulka ka sokeyso, waxa uuna na weydiin jiray
ciwaannada cashirradii aan maalinkaas soo qaadannay oo uu qaarkood noo sharxi
jiray, isaga ayaana ka bartay erayo badan oo Ingiriis ah, kana maqli jiray
erayo Talyaani ah oo ku hadli jiray markii ay ka xanaajiyaan carruurta oo ku
maadeysan jirtay.
Ka dib 39 sano oo uu carruurnimo, caafimaad,
halabuur iyo madaxnimo ku soo qaatay noloshiisa iyo 27 sano oo uu xanuunsanaa,
Xaashi Yuusuf waxa uu isaga oo 66 jir ah ku geeriyooday tuulada Dac 2014-kii,
hal gabar ayuuna ifka uga tegay. Alle ha u naxariisto.
"Markii dal burburayo, dadkiisa waxgalka
ah ee uu wax ku yahay kama tagto ee cagta ayuu sii mariyaa " Nuuraddiin
Faarax
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.