Skip to main content

Habka loo burburiyo xadaaradaha bulshooyinka


Dr. Mahdi Elmandjra(1933-2014) oo ahaa dhaqaalayahan iyo qoraa ka faallooda arimaha bulshada ayaa qoray maqaalkaan uu ciwaan uga dhigay “Tiirarka Burburinta” oo uu uga hadlayo habka loo maro duminta xadaaradaha bulshooyinka.
Qoraagu wuxuu yiri: Si aad u dumiso ilbaxnimo bulsho uma baahid in aad u adeegsato hubka nukliyeerka iyo sawaariikhda wax gumaadda. Kaliya waxaad u baahantay in aad burburiso qoyska, tayada waxbarashada iyo in aad meesha ka saarto dadka tusaalaha ah ee bulshadaasi ku dayato.
Qoraaga oo sii sharraxaya waddooyinka loo maro hababkaan ayaa yiri:
1) Si aad u dumiso reerka, meesha ka saar kaalinta hooyadu ku leedahay barbaarinta ubadka. Si taasi kuugu suuragasho bulshadaas u sheeg in ay ragga iyo dumarku siman yihiin, oo ay muhiim tahay in ay hooyadu shaqeysato, si ay uga faanto in ay guriga joogto una dayacdo barbaarinta carruurteeda, ayna gurigaas uga soo baxaan carruur aan helin tarbiyo hooyo.
2) Si aad u burburiso waxbarashada, hoos u dhig tayada aqoonta iyo hanka ardayda, una fududeey qishka imtixaannada. Hoos u dhig qiimaha macalinka si ay ardaydu u yasto farriinta uu xambaarsanyahay oo ay aqoontu u lunto, ayna bulshadaas u yeelato macallin bariiskiisa kaliya dhacsanaya iyo arday qish ku baastay oo muhiimaddoodu tahay in ay qaataan shahaado aysan aqoonteeda laheyn. Markaas ayuu bukaanku ku dhimanayaa gacanta dhaqtar qish ku soo baasay, guryuhu ku burburayaan gacanta injineer qish ku soo baasay, hantida qaranku ku lumeysaa gacanta xisaabiye qish ku soo baasay, caddaaladdu ku dhimaneysaa gacanta garsoore qish ku soo baasay, jahliguna ku faafayaa sababka macallin qish kusoo baasay.
3) Si aad meesha uga saarto dadka bulshadaas indhaha u ah, dur iyo wax-ka-sheeg culimada iyo mufakiriinta, si aan hadalkooda loo dhegeysan looguna dayan, ayna halkaas uga soo baxdo bulsho ka arradan oo marti ka ah diinteeda, dhaqankeeda iyo aqoonta ay dunidu ku kala tagtay.
Haddaba, haddii uu guryaha ka soo baxo jiil aan tarbiyeysneyn oo ka qadsan bbarbaarin hooyo, ayna meesha ka baxdo kaalinta macalinkii wax-ku-bari lahaa dugsiga, iskuulka iyo jaamacadadda, meeshana laga saaro dowrkii culimada iyo mufakiriinta, yaa bulshadaas u maqan? ayuu qoraagu isku weydiinayaa dhammaadka maqaalkiisa.
Ka soo babashadeedana waxaa saldhig u ah guriga. Haddii uu ubadkeenu helo hooyo dhisan oo ku faanto kana shaqeysa barbaarintiisa; goobaha waxbarashadana ku helo macallin dhisan oo dhisa garaadkiisa, uuna heysto culimo iyo mufakiriin uu ku daydo; waxaa soo baxaya jiil yaqaanna kuna dheggan diintiisa iyo dhaqankiisa, waxna u tari kara dalkiisa iyo dadkiisa.

Comments

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...