Ma laheyn Facebook, Whatsapp, Twitter iyo Instagram, wuxuuna maanta leeyahay 1.8 bilyan oo Followers ah
Nolol adag oo uu wax badan ku bartay ayuu ku soo koray. Dabeecad wanaagsan oo uu ka helay qof kasta oo la dhaqmay ayuu Alle ku deeqay. Diin iyo dowladnimo lagu baraaray ayuu Alle caalamka ugu soo dhiibay, reerkiisa ayaase ku colaadiyay farriintii uu Alle uga siday. Waa la dhibay, waa la go'doomiyay, gabadhihiisii ayaa loo furay, wuxuuna ka badbaadiyay iskudayo badan oo la doonayay in lagu qaarijiyo. Naftiisa ayuu kala cararay magaaladiisii Maka ee uu ku soo barbaaray. Markii uu magaalada ka baxayay ayuu dib u soo eegay, wuxuuna yiri: "Wallaahi Makaay ifka adiga ayaan kuu jeclahay, haddii aysan dadkaadu iga kaa saarinna kaama tageen" Magaalada Madiina oo looga gacanhaatiyay ayuu u hijrooday, 14 cisho ayay ku qaadatay in uu gaaro, 1442 sano kahor maanta oo kale ayuuna galay Madiina oo saldhig u noqotay, caalamkana uga faafiyay farriintii uu u siday. "Ma laheyn Facebook, Whatsapp, Twitter iyo Instagram, wuxuuna maanta leeyahay 1.8 bilyan oo Followers ah, qofkaasi waa ...