Skip to main content

Xafladdii ugu cajiibsaneed ee aan xaadiray!

Markii iigu horreysay muuqiisa, 2017kii ayaan ka daawaday telefishanka Goobjoog oo uu marti ugu ahaa barnaamijka Murti iyo Maaweelo oo uu ku wareystay Cumar Seerbiya. Suugaan miisaan culus ayuu barnaamijka ka jeediyay. Maalmo kadib waxaa casuuntay xarunta Ifiye oo uu ku soo bandhigay halabuurkiisa suugaaneed iyo buug uu qoray. Waxaa ii xigtay heestiisa Difaac iyo Dagaal oo uu ka duubay telefishanka Muqdisho Cable oo ay gaari ku dhex qaadayaan ay carruur yaryar.

Dadnimo iyo dabeecad dahabi ah ayaan ku bartay maaalmo aan 2018kii marti ugu ahaa magaalada Boorama oo uu waxbarasho u joogay, waxaana xusuusteyda ka go'in sidii uu iigu ahaa dhaqtar aan shahaado heysan iyo walaal aan hooyadey dhalin mar aan Boorame ku xanuunsaday oo aan goob ku wada nooleyn.

Safar waxbarasho oo uu u maray halgan adag iyo dariiq aan ubax ku goglaneyn ayaa bil kahor u soo idlaaday, saddex maalin kahor ayuuna Muqdisho dib ugu soo laabtay. Saaxiibbo ka warhelay socdaalkiisa oo aan horay ugu helin fursad ay ku dhiirrigeliyaan halabuurkiisa ayaa u qorsheeyay in ay xalay u dhigaan xaflad kadis oo ay ku bogaadinayaan hibadiisa suugaaneed iyo halgankiisa waxbarasho ee guuleystay.


Fardowsa Xuseen Cali oo ka mid ah asxaabtiisa ayaa shalay ku ballamisay in ay bareyso saaxiibkeed oo ay isguursan rabaan. Hool mugdi ah oo ay saaxiibbadiis ku jiraan ayay soo gelisay. Sacab ayaa lagu soo dhoweeyay, waxaana ku xigay cod hambalyo ah oo shalay laga soo duubay hooyadiis Jamaad oo ku nool magaalada Beledweyne oo uu ku soo barbaaray. Ilbiriqsiyo ka mid ah heesta "Hooyadey Jamaadey" oo uu isagu horay ugu sameeyay hooyadiis Jamaad ayaa lagu furay, waxaana ku sii xigay hambalyadii hooyadiis. 

Miraha hooyannimada ka hadlaya ee heestiisa iyo codka hooyo Jamaad laga soo duubay oo qalbitaabad ahaa ayaa dareenkeennii bedelay. Nalkii ayaa la shiday, waxayna isheydu qabatay rag badan oo ilmeynaya. Malaha waligey ma arag rag tiradaas dhan oo halmar wada oynaya!

Xafladdii tahniyaddu aheed tacsi ayay u ekaatay. Qaar asxaabta ka mid ah ayaa hadlay, codad hambalyo ah oo horay looga soo duubay saaxiibbadiis dalka ka maqan ayaa la shiday, waxaana saacad ka badan nagu qaadatay in aan dareenkii farxadeed dib ugu soo laabanno.

Dhadhanka saaxiibtinnimada iyo sida ay saaxiibbadu u yihiin hanti maguurto ah; sida ay mararka qaar qofka ugu adkaaneyso in uu maareeyo dareenkiisa iyo sida ay farxaddu waqtiyada qaar u gashato dharka murugada ayaa indhaha asxaabta iiga wada muuqatay.

Ibraahim Cusmaan Afrax(Ibraahim Nolosha), saaxiib waxaan kuugu hambalyeynayaa halabuurkaada, guusha aad ka soo hoysay waxbarashadii aad halganka adag u soo gashay iyo in aad leedahay saaxiibbo ku jecel oo goor kasta ku garabtaagan. Guuleyso Ibraahim adduun iyo aakhiraba, saaxiib.




Comments

  1. Masha Allah cajiib kidis aad u qurux badan hambalyo hambalyo Ibrahim nolosha

    ReplyDelete
  2. mash allh xafld si qurxbadn loo agaasimay bee aheed

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...