Ma laheyn Facebook, Whatsapp, Twitter iyo Instagram, wuxuuna maanta leeyahay 1.8 bilyan oo Followers ah
Nolol adag oo uu wax badan ku bartay ayuu ku soo koray. Dabeecad wanaagsan oo uu ka helay qof kasta oo la dhaqmay ayuu Alle ku deeqay. Diin iyo dowladnimo lagu baraaray ayuu Alle caalamka ugu soo dhiibay, reerkiisa ayaase ku colaadiyay farriintii uu Alle uga siday. Waa la dhibay, waa la go'doomiyay, gabadhihiisii ayaa loo furay, wuxuuna ka badbaadiyay iskudayo badan oo la doonayay in lagu qaarijiyo. Naftiisa ayuu kala cararay magaaladiisii Maka ee uu ku soo barbaaray. Markii uu magaalada ka baxayay ayuu dib u soo eegay, wuxuuna yiri: "Wallaahi Makaay ifka adiga ayaan kuu jeclahay, haddii aysan dadkaadu iga kaa saarinna kaama tageen"
Magaalada Madiina oo looga gacanhaatiyay ayuu u hijrooday, 14 cisho ayay ku qaadatay in uu gaaro, 1442 sano kahor maanta oo kale ayuuna galay Madiina oo saldhig u noqotay, caalamkana uga faafiyay farriintii uu u siday.
"Ma laheyn Facebook, Whatsapp, Twitter iyo Instagram, wuxuuna maanta leeyahay 1.8 bilyan oo Followers ah, qofkaasi waa Nabi Maxamed" sidaas waxaa gaarigiisa ku qortay ruux Keenyaati ah.
Hadalkaan wuxuu i xusuusiyay, Michael Hart oo ah qoraa Mareykan ah oo 28 sano buug ka qorayay boqolka qof ee ugu saameynta badan caalamka. 42 sano ayaa laga joogaa maalinkii buuggaas la daabacay. Markii uu dhammeeyay ayuu Michael Hart wuxuu magaalada London ku qabtay bandhig ay ka soo qeybgaleen kummanaan qof, wuxuuna fagaarahaas ka sheegay in uu boqolkaas qof ugu horeeyo Nabi Muxamed. Kadibna waxaa meeshii is qabsaday buuq iyo sawaxan, maadaama ay dadkii goobta isugu yimid Kirishtaan u badnaayeen.
Michael Hart oo sharraxaya sababta uu Nabi Muxamed ugu doortay qofkii ugu saameynta badnaa ee caalamka soo maray ayaa wuxuu yiri: "Ninkaas Muxamad ah wuxuu ka soo baxay magaalo yar oo Mako la yiraahdo, wuxuuna dadka u sheegay in uu yahay farriinside uu Alle u soo diray in uu dhammeystiro dhaqammada wanaagsan, kadibna waxaa rumeeyay 4 qof oo kala ahaa xaaskiisa, saaxiibkiis iyo labo carruur ah. Maanta oo geeridiisa laga joogo in ka badan 1400 oo sano waxay tirada muslimiintu ka badan tahay 1.5 bilyan oo qof, maalin kastana way sii kordhayaan. Macquul ma aha in uu Muxamad beenloow ahaa, waayo ma jiri karto been noolaan karto 1400 oo sano, mana dhici karto in dad ka badan 1.5 bilyan ay maanta been ku wada qancaan. Waxaa kale oo cajiib ah in ay maanta jiraan malaayiin qof oo Muslimiin ah oo diyaar u ah in ay naftooda ku difaacaan sharafta Nabi Muxamed. Sababtaas ayaan rumeysanahay in Muxamed yahay qofkii ugu saameynta badnaa ee dunida soo maray"
Naxariis iyo nabadgelyo Alle ha ahaadaan Nabi Muxamed dushiisa. Waxaan marag ka ahay in uu yahay farriinside xaq ah oo uu Alle soo diray, uuna si hufan farriintaas ifka u soo gaarsiiyay.
Its true story that Nabi Muxamed is a real Proghit that Choosed Allah and the last Proghit and Messenger and also the Leader of All Proghits started from Nabi Adam ( C. S. ) till Nabi Isse ( C. S. ) accordingly. Mr. Mohamed A. Jelle ( Mac_ Katimba ).
ReplyDeleteNabi Muxamed N.N.K.H. Runlow ayuu ahaa, weligiis been ma sheegin, wuxuu ahaa Qof Aamin ah ( Trustful person ), taa waxaad ku fahmi karta in loogu magac darey Muxamed_ Amiin. Peace upon him. Thank you,
ReplyDeleteSCW
ReplyDelete