Skip to main content

Ma sida fiican mise sida ay wax yihiin?

 Waxbarashadaadu waxba ma gasho haddii aadan wacyi ku kabin oo aadan la jaanqaadi karin waaqica iyo xaaladda lagu jiro, aadanna ku kala fahmi karin sida fiican iyo sida ay wax yihiin. 

Maanta waxaan Facebook soo dhigay qoraal aan uga hadlay wiil yar oo 8 jir ah oo aan KM4 kabaha uga caseystay, oo ii sheegay in loo soo diiday in uu garoonka galo, si uu kabaha ugu soo caseeyo dadka ku jira garoonka oo uu ka heli lahaa lacag fiican. Dhawr qof ka mid ahaa dadkii faallooyinka dhiibtay ayaa igu dhaliilay in aan xuquuqda wiilkaas yar meel uga dhacay maadaama aan kabaha ka caseystay. Aan ku hadalqabsado Dr. Ismail Jeyte oo igula taliyay in aan luujito iyo buraash guriga geysto oo aanan kabo ka caseysan ilmo aan qaangaar aheyn, maadaama ay taasi ka hor imaaneyso xuquuqda caalamiga ah ee carruurta.

Hadalka Dr. Jeyte waa gar, waana gardarro. Waa gar markii la joogo dal ay carruurtu heystaan waxbarasho, caafimaad iyo daryeel dowladeed. Balse waa gardarro markii la joogo Soomaaliya oo ay carruurta qaar buuxiyaan booskii aabbaha, oo ay hardan adag ugu jiraan quutulyoomka qoyska, ayna u kallahaan suuqa halka ay carruurta kale waxbarasho u baxaan.

Faalladii Dr. Jeyte waxaa ku jiray erayga "Child Protection" oo aan maleynayo in aan la gaarin heer Soomaaliya laga adeegsado. Eraygaas wuxuu i xusuusiyay haweeneydii loo sheegay dad baahi u dhimanaya, ee tiri: oo dadkaas may doolshe iska cunaan?"!

Maanta ma buuxin kartid duleelka dowladeed ee ka bannaan carruurta danyarta. Sida fiican waa in ay wax bartaan oo aysan quutulyoom ka walwalin, balse xaqiiqada maanta jirto waa in ay baahan yihiin oo ay ku qasban yihiin in ay shaqeystaan. Waxa ugu weyn ee aan ku caawin karnana waa in aan ka adeeganno, oo aan ku caawinno in ay xooggooda ku shaqeystaan, si ay u soo dhiciyaan quutulyoomka qoyskooda.

"Cilmiga ha laguu dhigee,

Caqliga kaasho baa la yiri"


Comments

  1. waxa soo xasuustay,gabadhi lagu yidhi africa gaaja loo dhiman hayaa ee tiri "oo may buscuit iyo sharaab iska cunan hadayna wax kale haysan" dhibka ina haystaa waa shayga an wax ku cabiro oo inagu aynaa lahayn.

    ReplyDelete
  2. Hussein Sabriye xaqiiqda ayaad taabatay walaal, dr kana waxaan u sheegayaa riyaad ku nooshee malaa ma aragtid shacabkan naafeysan ee la dagaalamaya siduu uu cunto u heli lahaa, badanka Somalia waxa ka dhacay qaraxyo aad u badan, weeraro culus dadbay aabayashood & hooyooyinkood ku naf waayeen markaa caruurta yaa u maqan "Ceelna uma qodna Cidna uma maqna"
    Markaa waa inay iyagu nolosha iska dhiciyaan.

    ReplyDelete
  3. Husen sebriye walal wan kula qaba fikirka ah In lapower gareeyo dhalintaa booska muga weel leh ugujira dakhliga qoyska, aniga hadii la I waydiin lahaa waxaan waxbarshada Somalia ubadlilahaa mid 65% ay ardayda dhigtan dugsiyo xirfada lagubarto. Waxaa sanadkasta jamacadaha Somalia iyo kudibada kasoobaxa dhalin aad u farabadan 0.1% xirfadmasoobartan waxaa Keenay in dalkeenu shaqala aantiisu aad ubadato, gobolada Qaar sida puntland waxaa manta kajira dadkii guryaha dhisayey lagakeeno dalalka asia iyo Africa.

    ReplyDelete
  4. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  5. Imamu-shaafici baa ku gabyey:

    -Libaaxyadii waxay gaajo ugu le'anayaan kaymaha,
    -hilibkii arigana waxaa cunaya aydii.
    -Kii jaahilka ahaa wuxuu ku hurdaa sariir,
    -Kii cilmiga usaaxiibka ahaana furaashkiisu waa ciidda.


    Ilaahow waxaan kaabarinay cilmi na anfaca.

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...