Xabiibo Xasan waxay ku dhalatay magaalada Qoryooley 1981kii. Waxay curad u aheyd qoys danyar ah. Aaabbaheed Xasan Aadan wuxuu qowsaar ka ahaa beer ku taallay duleedka Qoryooley. Hanad iyo Xaawo oo ahaa lammaane ladan oo Muqdisho ku noolaa ayaa 1989kii waxay dalxiis u tageen beertii uu Xasan Aadan ka shaqeynayay. Hanad ayaa la sheekeystay Xasan Aadan, wuxuuna ogaaday duruufta adag ee Xasan iyo qoyskiisu ku nool yihiin.
Hanad wuxuu Xasan Aadan u sheegay in ay u joogaan carruur yaryar, ayna u baahan yihiin gabar guriga ka shaqeyso oo carruurtana u heyso, oo ay sidoo kalena wax u baraan. Xasan Aadan wuxuu qoyskii soo siiyay Xabiibo oo 8 jir ah, waxayna ku soo laabteen gurigoodii oo ku yaallay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan. Labo sano kadib, 1991kii waxaa Muqdisho ka qarxay dagaalladii sokeeye, qoyskii Hanad ee Xabiibo la nooleedna waxay u qaxeen xerada qaxootiga Kaakuma ee dalka Kenya, halkaas oo ay uga sii gudbeen Mareykanka.
Xabiibo waxay mar kasta isweydiin jirtay halka ay ku dambeeyaan waalidkeed iyo walaalaheed, waxaase adkaatay in ay su’aashaas jawaab u hesho maadaama ay isgaarsiintu adkeyd. Xabiibo waxay Mareykanka ku dhammeysatay Dugsi Sare 2001, kadiba waxay shaqo ka heshay warshad digaagga lagu qalo. Aabbaheed Xasan Aadan wuxuu ka dawarsadaa xaafadaha iyo masaajidda Muqdisho, qoyskiisuna waxay duruuf adag kula nool yihiin Qoryooley. Xabiibo waxay go'aansatay in ay qoyskeedii baadigoobto, kadibna waxay ka baafisay idaacadda BBC-da. Aabbaheed waa miskiin tuugsado oo aan idaacad dhegeysan, waxaase baafintaas dhegeysanayay Xasan Maaddey oo ay deris ahaayeen Xasan Aadan, oo aqoon durugsanna u lahaa qoyska Xasan Maaddey iyo gabadha ka maqan.
Xasan Maaddey wuxuu qortay lambarkii Xabiibo, wuxuuna ku fikiray in uu la xiriiro isaga oo iska dhigaya aabbaheed Xasan Aadan. Xasan Maaddey wuxuu yimid Muqdisho, wuxuuna baranji ka wacay Xabiibo. Salaan kadib, Xasan Maaddey wuu is oysiiyay, si aysan Xabiibo uga shakin in uu aabbaheed yahay ayuu geliyay xaalad murugo ah, oo wuxuu u sheegay in hooyadeed iyo walaalaheed oo shan ahaa ay baahi iyo macluul ugu dhinteen abaar sanado kahor ka dhacday Qoryooley, isaguna uu hadda ka dawarsado Muqdisho. Si aysan su’aalo isaga waydiinna wuxuu xusay magacyada hooyadeed iyo walaalaheed.
Xabiibo ooyin ayay la dhacday, murugo ayayna la hadli waysay. Saacad kadib ayay ku soo celisay, waxayna isla maalinkii u soo dirtay $500. Wixii ka dambeeyayna waxay bil kasta u soo direysay $350. Waagaas $350 qiimo ayay laheed. Xasan Maaddey oo waagii hore danyar ahaa wuxuu ka mid noqday dadka Qoryooley ugu ladan. Bartamaha magaalada ayuu dukaan ka furtay, wuxuuna gatay gaari saksuuko ah. Dadkii yaqaannay waxay isweydiinayaan halka ay lacagtu ka soo gasho Xasan Maaddey. Halka Xasan Aadan oo ah aabbaha dhabta ahna uu ka tuugsado xaafadaha Muqdisho.
Xabiibo wiil ayay guur isku fahmeen, waxayna la soo xiriirtay Xasan Maaddey oo wilaayada ku wareejiyay Hanad oo ay la nooleed. Sidaas ayaana loogu mehriyay.
Sanadku waa 2008. Shariifoow oo ahaa oday reer Qoryooley ah ayaa maalin xawaaladda gu soo galay Xasan Maaddey oo lacag ka qaadanaya, wuxuuna arkay in qofka lacagta u soo dirtay ay tahay Xabiibo Xasan Aadan, wuuna ogaa in ay gabar ka maqneed Xasan Aadan. Wuxuuna warkii u sheegay Xasan Aadan.
Oday Xasan Aadan wuxuu tegay xawaaladdii, waxaana qaabilay Cabdirisaaq Maxamed Axmed oo dhacdadaan iiga sheekeeyay. Xasan Aadan wuxuu Cabdirisaaq u sheegay shakiga ku jiro, Cabdirisaaqna wuxuu Xasan Aadan waydiiyay magaca iyo qabiilka ninkii gabadha ka watay. Nasiib-wanaag, Cabdirisaaq wuxuu aqoonsaday Hanad oo ay qaraabo dhow noqdeen.
Cabdirisaaq wuxuu wacay Hanad, wuxuuna u sheegay dhibka taagan. Hanad wuxuu codsaday in loo soo diro sawirka Xasan Aadan, waxaana laga sawiray wejiga hore iyo labada dhafoor. Hanad wuxuu sheegay in ay u badan tahay in uu ninkaanu yahay Xabiibo aabbaheed, wuxuuna dalbaday in lala hadashiiyo.
Isbariidin kadib, Hanad wuxuu Xasan Aadan ka codsaday in uu ka sheekeeyo wixii dhex maray maalinkii uu Xabiibo kala wareegayay. Xasan Aadan wuxuu ka sheekeeyay goobtii, goortii iyo qaabkii ay gabadha ugala wareejiyeen, iyo baabuurkii ay wateen. Wuxuuna tilmaamay gurigii ay ka degnaayeen Muqdisho oo uu ku soo booqday waagii ay gabadha ka soo wateen.
Hanad wuxuu codsaday in la siiyo hal asbuuc si uu baaritaan kale u soo sameeyo. Wuxuu wacay Xasan Maaddey oo iska dhigi jiray Xabiibo aabbaheed, wuxuuna waydiiyay isla su’aalihii uu waydiiyay Xasan Aadan. Nasiib-wanaag, Xasan Maaddey wuu ka jawaabi waayay.
Hanad wuxuu ku soo laabtay Cabdirisaaq, wuxuuna u sheegay in uu hubiyay in uu Xasan Aadan yahay Xabiibo aabbaheed. Balse wuxuu ka walaac ka muujiyay sida uu Xabiibo ugu sheegi doono in ninka ay aabbaheed u taqaanno, ee ay todobada sano biileysay, ee ninkana ku mahriyay uusan aabbaheed aheyn, lana hayo aabbaheeda dhabta ah. Nin iyo god loo wado lama kala qariyee, Hanad wuxuu la fariistay Xabiibo, wuxuuna u sheegay wixii dhacay. Xabiibo waa shoogtay, miirka ayaana ka tegay, waxayna isbitaal ku jirtay saddex maalin.
Ugu dambeyntii waa lagu qanciyay, waana lala hadashiiyay. Markii ay codkiisa maqashay ayay ooyin la dhacday, odaygiina wuxuu ku celcelinayaa: Aabbe... gabarteey... ma nooleed?! Dareen farxad iyo murugo kulansaday ayay ku sheekeysteen. Wuxuu u sheegay in ay duruuftu bedeshay oo uu tuugsado, ayna caafimaad qabaan hooyadeed iyo walaalaheed oo uu Xasan Maaddey u sheegay in ay wada dhinteen. Mar kale ayay ooyin jabsatay. Call saacad qaatay ayaa dhex maray. Isla maalinkii ayay u soo dirtay $1,000. Waxayna ku ballameen in uu reerka Muqdisho u soo raro. Malaha waa markii ugu horreysay ee ay gacanta Xasan Aadan soo gashay lacag sidaas u badan. Farxad ayuu la ilmeeyay. Inta sarriftay ayuuna Qoryooley ula carraabay.
Asbuuc kadib wuxuu qoyskii soo dejiyay degmada Hawlwadaag. Bil kasta waxay u soo dirtaa $500. Nolol cusub ayay galeen. Waa markii ugu horraysay oo ay helayaan biil joogto ah, ayna ka soo toosayaan guri fillo ah. Waxaana guriga ugu jiro taleefan landline ah oo ay Xabiibo kala xiriiraan. Carruurtiina wuxuu geeyay Iskuulka Imaamu Shaafici. Cabdirisaaq oo dhacdadaan iiga sheekeeyay wuxuu igu yiri: “Markii uu Xasan Aadan Muqdisho soo degayay ayuu iigu yimid in uu ii mahadceliyo, wuxuuna ii soo hadyeeyay loor galley ah iyo saddexle macsaro ah. Wuxuuna ii sheegay in uu cafiyay Xasan Maaddey marba haddii uu helay gabadhiisii. Waxaa i soo xiriirin jirtay Xabiibo oo 2012 ii sheegtay in aabbaheed Xasan Aadan uu Muqdisho ku geeriyooday.”
Sheekadaan waxaa iiga sheekeeyay Cabdirisaaq Maxamed Axmed oo waagaas Madaxa Operationska ka ahaa shirkadda Dahabshiil, haddana ah Agaasimaha bangiga MyBank.
ðŸ˜ðŸ˜ðŸ˜wlh ilin ayaa isku celin wayeyðŸ˜wa iska adunyo iyo xalkeed
ReplyDeleteDhacdoyin badan oo la diwan galina way ka dhacen dalkena
QISO XANUUN AH WEEYE,wadatana farxad,jacayl io murugo.
ReplyDeleteFilm in laga sameeyo ayey ku wcn tahay
Waa sheeko aad u murugo badan walaal.
ReplyDeleteXabiibo iyo qoyskeedaba waxaan alle ugu baryaya nolol farxad leh iyo cibaado suuban.
Hanad asigane alle haka abaal mariyo caawintii uu caawiye xabiibo iyo aabahaeed.
Waa sheeko saameyn leh wlhi
ReplyDeleteMuqtaar
ReplyDeleteRun ahaantii waa qiso aad u xanuun badan.!!!
ReplyDeleteHassan Aadan Allaha u naxariisto, nin qalbi wanaagsan buu ahaa.
ReplyDeleteWaa qiso mudan in lagu cibro qaato, waxay na barnay dhibta dagaalladii dalka dhacay iyo baahida danyarta haysta keenaan.
ReplyDelete